Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

War Deg Deg ah— Maraykanka oo 9 milyan oo Dollar siinaysa Qofkii soo sheega ama fufudeeya soo qabashada Sadex sargaal oo Al-shabaab ah, uuna ka mid yahay Amiirka Al-Shabaab uqaabilsan Puntland

$
0
0

“”The Department has authorized rewards of up to $3 million each for breaking nes information leading to the arrest or conviction of Abdikadir Mohamed Abdikadir, Jafar, and Yasin Kilwe.Since 2006, al-Shabaab has killed thousands of civilians, aid workers, and peacekeepers in Somalia, Uganda, and Kenya.”"

Warsaxaadadeed maanta kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibada Mareykanka ayaa lagusoo ban dhigey abaal marin lacageed in lasiin doona qofkii keena macluumaad ka sahli kara soo qabashada Sadex hogaamiye oo Al-shabaab ah, kiiba madaxiisu waxaa la dul dhigey Sadex malyan oo Dollarka Mareykanka ah.

3 milyan oo Dollar ayaa laguu abaal marinayaa qofkii gududeeya in la helo nimankaan meesha ay joogaan si loosoo qabto.

Sadexda nin waxay kala yihiin.

** Abdikadir Mohamed Abdikadir looyaqaan Ikrima waa Soomaali Kenyaan, waxaa ka go’an sadex farood, wuxuu Al-shabaab u qaabilsanaa wacyi galinta dhalinyarada Kenya sidii ay Al-shabaab ugu biiri lahaayeen

** Yasin Kilwe waa Amiirka Al- shabaab u qaabilsan Deegaahada Puntland waxaana jagadaan u Magacaabey Amiir ka Al-shabaab u sareeya Axmed Godane.

** Ninka Sadexaad waxaa magiciisa lagusoo koobey Jacfar, wuxuuna la baxay magaca Amaar, indhihiisa mid ayaa uga dhacdey intuu Shabaab ka tirsanaa, Waa gacanta midig ee Cabdulqaadir IKrima.

Sadexdaan nin Qofkii soo sheega rasdkooda ama sahla in lasoo qabto waxay Dowlada Maraykanku siinrysaa 9 milyan oo Dollar, kiiba wuxuu jogaa 3 Milyan.

Puntlandi.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles