28 Feb.2014–Pi– Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiwali Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo safarkiisa Itoobiya kadib booqasho rasmi ah ku aadi lahaa Jabuuti ayaa dib u dhigey safarkaas Wafuud Caalami ah oo imaan doona Garowe awgood.
Sida ay Howlwadeenka Puntlandi.com warka ku heleen waxaa 4 ama 5 bisha maarso Garowe imaanaya Wafdi ka socda Midowga Yurub iyo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey Nick Kay, Wafdiga waxaa ka mid ah kooxda Barnaamijka New Deal oo horey Todobaadkii tagay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kula kulmey Dowlada Federaalka.
Waxaa kaloo wafdiga Garowe imaanaya ka mid ah Wafdibalaaran oo ka socda Dowlada Turkiga.
Wafdiyadaas awgood ayuu Madaxweynuhu usoo gaabin doonaa Safarkiisa, waxaana la filayaa inuu Dalka kusoo laabto beri oo sabti ah 1 Maarso.
Puntlandi.com
Garowe