Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa casho sharaf soo dhowayn ah loogu sameeyay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia oo uu maanta booqasho ku gaaray.
Madaxweynaha waxa wehelinaya wasiirka arrimaha gudaha Axmed Cilmi Cismaan, wasiirka warfaafinta Cabdiweli Indhoguran , taliyaha guud ee ciidanka difaaca Puntland Gen. Siciid Dheere iyo hawlwadeeno ka tirsan madaxtooyadda.
Casha sharafta waxa ka soo qayb galay wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia Tedros Adhanom , Safiirka Ethiopia ee Somalia Amb. Wandhimo Asaminow , safiiradda geeska Afrika iyo weliba Diblumaasiyiin Ethiopian ah.
Madaxweynaha Puntland ayaa kala hadlay masuuliyiinta Ethiopia xoojinta xiriirka nabadgelyo iyo ganacsi ee u dhaxeeya labada dhinac, waxana uu la kulmi doonaa Ra’isal wasaaraha Ethiopia Hailemariam Deselegn.