Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Wafdi Balaaran oo uu Hogaaminayo  Duqa Degmada Waaciye C/salaam Bashiir C/salaam  ayaa Booqasho ku tegay Magaalada Juurile ee Deegaanka Degmada Waaciye(Sawiro)

$
0
0

Wafdiga Degmada Waaciye ayaa waxa ka mid ahaa Xoghayaha Dowlada Hoose Mustafe Axmed Ismaaciil(Deeradille)Madaxa Waxbarashada Qaasim Ismaaciil Axmed,Madaxa Caafimaadka Cabdirisaaq Axmed Ismaaciil(Maygaag),Xisaabiyaha Dowladaha Hoose Axmed Salaad Nuur,Khasnajiga Guud ee Degmada Maxamed Siciid Cali Odey iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Degmada Waaciye Col.Cabdi Siciid Cade.

Ujeedka Safarka Wafdiga Gudoomiyaha ayaa ahayd u Kuurgelid iyo Xog Waraysi Xaalada Caafimaad,Waxbarasho iyo Amni ee Deegaanada Magaalada Juurile,Maadaama Magaalada Juurile ay dhacdo Xuduudaha Gobolada Hayland,Bari iyo Karkaar ,ayna Muhiim tahay in il Gaar ah  lagu hayo Amnigeeda,Maadama ay Xuduudo badan dhacdo.

Gudoomiyaha Magaalada Juurile Cali Maxamed Maxamuud Qaal (Cali Baahuute) oo Wafdiga Gudoomiyaha ku qaabiley Xafiiskiisa ayaa ka warbixiyey Baahiyaha  Muhiimka ah ee ka jira Magaalada,isagoona ugu horeyn sheegay in Xaalada Amni ee Deegaanku u yahay Mid wanaagsan oo la isku halayn karo.

Sidoo kale Gudoomiye Baahuute waxa uu Maamulka Degmada ka codsaday inay ka caawiyaan Baahiyaha dhanka Waxbarashada iyo Caafimaadka oo uu sheegay inay udub dhexaad u yihiin Nolosha dadka .

Isku soo wada duuboo Wafdigii Gudoomiyaha ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Degmada Waaciye oo ay markii hore kasoo kicitameen.

Hoos Ka Daawo Sawiarada;-

1 3 12


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles