Dagaalkii Sokeeye ee Sanadihii Sagaashanaadkii waxaa loo haystaa inay dhamaadeen lakiin beeshii Dagaalkaas sokooye hormuudka ka ahaa ayaa Maleeshiyaadkoodu waxay salkamdhigeen Gobolka Shabeelaha Hoose halkasoo ay awood ku deganaayeen ilaa maanta.
Bilihii lasoo dhaafey ayaa beesha degta Gobolka Shabeelaha hoose waxay muujiyeen cabashooyin ay ka cabanayaan Ciidanka Dowlada oo gacan siinaya beel kasoo jeeda Gobolada Dhexe oo barakicin iyo dhul boob ku haya dad ka deegaanka Magaalada Marka.
Hadaba Beeshaas oo ah beesha Habar gidir ayaa maanta ku baaqdey in Beesha Biyamaal awood ciidan loo adeegsado, Imaam C/Laahi Khaliif ayaa idaacadaha Muqdisha maanta kaga dhawaaqay dagaal lagu qaado Gobolka Shabeelaha hoose iyo beesha Biyamqal.