Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Gabar 18 jir ah oo Muqdisho lagu kufsadey kadibna geeriyootey

$
0
0

Shalay galab ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay arin fool xun oo aan magaalada ku cusbeyn ka dib markii Gabar 18 jir ah oo si xoog ah loo afduubey ay koox rag ah isugu dareen kufsi iyo jirdil.

Koox aan tiradooda la garaneyn ayaa afduubey Gabadha kadibna waxay u geysteen kufsi ilaa ay miyir beeshey.

Mid ka mid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho ayaa kadib la keeney iyadoo miyir la’ halkasoo ay xalay ku geeriyootey.

Kufsiga ka dhaca Muqdisho waxaa badanaa lagu eedeyn jirey iney geystaan Maleeshiyo beeleedyo iyo Ciidanka Dowlada ilaa hadana ma jirto cid xabsi ama maxkamad loosoo taagey inuu kufsi geystey.

Sanadkii hore ayaa Hay’adaha Caalamiga ah ee u dooda Xuquuqda Dadka waxay soo saareen Warbixin dheer oo ku saabsan kufsiga Muqdisho loogu geysto Dadka Barakacayaasha.

Soomaaliya kufsigu wuxuu ka dhacaa Muqdisho iyo Hargeysa,aad ayayna Gabdhuhu uga dacwoodaan faraxumeynta ka dhacda Somaliland iyo Magaalada Muqdisho.

Ilaa hada lama hayo falal noocaan ah oo ka dhacey Deegaanada Puntland sida aan ka soo xiganey Hay’ada Daryeelka Bulshada ee Dowlada Puntland.

Puntlandi
Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles