Ciise kaambooni oo ahaa Taliyihii ugu sareeyay Ciidanka Amaanka Jubaland ayaa caawa fiidkii lagu diley Kismaayo, Mid ka mid ah ilaaladiisa ayaa isna isla goobta ku dhintey mid kalena waa dhawac.
Askariga dhawaca ah ayaa aqoonsadey ninka dilka geystey oo isna isla ciidanka ka tirsanaa laakiin bilo ka hor ayuu ninka dilka geystey uu kasoo goosteyvAl-shabaab wuxuuna la heyb ahaa taliyaha uu diley.
Sida la aaminsan yahay ninka dilka geystey oo sheegtey inuu kasoo goistey Shabaab ayaa xaqiiqda ahaa sargaal shabaab ah oo kaarto ahaan isusoo dhiibey si uu uga agdhowaado Taliyaha uu diley oo markii hore loo soo direy inuu Lhaarajiyo.
Ciise kaambooni wuxuu ahaa taliye aad looga jecel yahay jubaland, wuxuuna qayb wayn ka qaatey amaanka Kismaayo.
Puntlandi
Kismaayo