Mogadishu, 08 February 2014 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda FederaalkaSoomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ammaanay doorka Brundi oo uu sheegay inay yihiin Wallaalo dhab ah.
Madaxweynaha ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Brundi H.E. Laurent Kavakure, oo ay wehliyeen Taliyaha Ciidanka AMISOM Lieutenant General Silas Ntigurirwa, Wasiirka Arrimaha Dibedda Abdirahman Duale Baileh, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Soomaaliya Burci Hamza iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaas Brundi Abshir Hassan Abshir.
Madaxweynaha ayaa yiri “Aad iyo aad baan u mahadcelineynaa wallaaha Brundi oo dhiigooda noo huray si uu dalku amni u noqdo. Sanadkii 2007 illaa iyo hadda ayey ciidamada Brundi, kuwa kale ee AMISOM iyo ciidanka Soomaalidu ay si joogta ah ula dagaalamayeen kooxaha Al-Shabaab, oo ay noo sameynayeen fursadahan hadda jira ee aan dalka dib ugu dhiseyno oo shacabku ay istaahilaan, mana hilmaami doono doorkii iyo abaalkii Brundi.
”Madaxweynaha iyo Wasiirka Brundi ayaa waxey ka wada hadleen arrimaha amniga, tiro kordhinta ciidamada AMISOM oo horey Golaha Ammaanka ee QM ay u ansixiyeen iyo sidii ciidanka Soomaalida loo taageeri lahaa.Madaxweynaha ayaa yiri “Sanadkan 2014 waa mid muhiimad gaar ah noo leh. Waxaan xoojineynaa dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, xasilinta dalka oo dhan. Brundi, AMISOM ta kale iyo ciidanka Soomaalida ayaana kaalin mug leh ka qaadan doona dadaalada xasilinta dalka.
”Madaxweynaha oo kulan kale oo gaar ah la qaatay Safiirka Serbia H.E. Ivan Zivkovic, Madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la qaatay Safiirka Serbia H.E. Ivan Zivkovic oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii ay Serbia kaalin mug leh uga qaadan laheyd dib u dhiska dalka, horumarinta dhaqaalaha iyo maalgeshiga dalka.
Madaxweynaha Serbia iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey isagu arkay New York iyo Addis Ababa