Galabnimadii jamcada 7 feb.2014 ayaa jaaliyada Puntland ee Magaalada Aarhus Daalka Denmark waxay qabteen xaflad aad loosoo agaasimay oo lagusoo dhaweynayay Isbadalka maamulka Dowlada Puntland. Xaflada ayaa loogu Hambalyeeyey Madaxweynah cusub ee Puntland Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ku xigeenkiisa Cabdixakiin Cabdullahi Camey iyo Gudoonka Baarlamaanka Saciid Xuseen, waxaa isla markaasna Mahad Celin wayn loo soo jeediyey Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Faroole iyo guud ahaan Maamulkiisii. Bilwogii Xaflada ayaa faataxada loo maray loona duceeyey Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya marxuu, Cabdirsaaq Xaaji Xuseen. Xaflada waxaa khadka Teleefoonka uga qaybqaatey Madaxweynaha Dowlada Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo run ahaantii wakhti fiican siiyey Jaaliyada isagoo galabta ka yimid safarkii aaska Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cabdirsaaq Xaaji xuseen, Madaxweyne Gaas wuxuu u mahadceliyey Jaaliyada, wuxuuna Dulmaray barnaamijka xukuumadiisa.
Fanaanada Caanka ah ee Reer Puntland Laki Wacays ayaa heeso wadani ah ka qaadey Xaflada