Waxa ay xafladani ahayd mid si weyn loo soo agaasimay isla markaana lagu marti galiyay dadweyne aad u badan kuwaas oo ka kala yimi gobolada dalka, Canada, iyo yurub.
Dadka oo lulayay Calanka Puntland iyo midka Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa sacabada u garaacayay dadka ka hadlay xaflada iyo Fanaaniintii qaranka oo halkaasi ku soo bandhigay Heeso soo jiidasho leh.
Saadi Ali Warsame iyo Ahmed Ali Igaal ayaa ka mid ahaa fanaaniintii ka heesay xafladan lagu taageerayay dowlada Cusub ee Puntland.
waxaana halkaasi laga soo jeediyay hadalo aad u taabtay dadkii ka soo qaybglay iyada oo masuuliyiintii ka hadlay ay ku dheeraadeen habkii doorashadii Puntland ay u dhacday iyo in ay ahayd wado ka tarjumaysa in dadka Soomaaliyeed ay u biisil yihiin Isbadal dhab ah.
Madaxweynihii Hore mudane C/rixmaan Faroole ayaa lagu amaanay Tanaasulka quruxda badan iyo sida uu ugu qancay natiijadii Doorashadii Punyland.
Waxay dadku ka codsadeen Mudane Gaas in uu la yimaado isbadal ku aadan Midnimo, bisayl, Dhasgaysi, iyo Waxqabad, si uu dhabaha ugu xaaro jiilasha isaga ka danbeeya.
Xafladan oo muuqaal ahaan ahay mid waqti badan la galiyay waxaa looga mahadceliyay Gudigii soo abaabulay oo waqtiga u huray iyo dad weynihii ka soo qeyb galay.
Madaxweynaha cusub ee Puntland Mudane Gaas ayaa bartamaha xaflada kaga qeyb qaatay Teleefonka waxa uuna uga mahadceliyay jaaliyada Soomaaliyeed taageerada ay u muujiyeen dowlada cusub isaga oo ka codsaday in ay caqligooda iyo maalkooda ku soo biiriyaan Maamulka si loo gaaro horumar weyn, waxana uu gaas Tacsi u diray Geerida ku yimid Raysul wasaarihii Hore Allaha u Raxmee mudane C/risaaq Xaaji Xuseen.
Waxa ay xafladu ku soo xirantay Jawi dagan. Waxaa soo qaban qaabiyey Jaaliyad reer Puntland ee Columbus Ohio
Hoos ka daawo Sawirada iyo VIDEO
Burhaan Ahmed
Columbus-Ohio