Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Buuga Tacsida Raysal wasaarihii labaad ee Soomaaliya Marxuum Cabdirsaaq Xaaji Xuseen (1924-2014) oo Xalay 31.1.2014 ku geeriyoodey Maraykanka

$
0
0

Alla naxariistii jano ha ka Waraabiyee Waxaa jamcadii habeenimada 31 janaayo 2014 Wadanka Maraykanka ku geeriyoodey Halyeey Raysal wasaarihii labaad ee Soomaaliya Cabdirsaaq Xaaji Xuseen, Illaahay naxariistii haka waraabiyo Aaamiin Aaamiin.

Innaa Lillaahi wa innaa Illeyhi raajicuun!

Tacsida kowaad

Madaxweynaha Puntland oo Tacsi Qaran diraya
Madaxweynaha dowlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si tiiraanyo xambaarsan uga tacsiyeeyey Geeridii ku timid Raysal Wasaarihii labaad ee Soomaaliya Marxuum Cabdirsaaq Xaaji Xuseen oo 31.1.2014 ku geeriyoodey Isbitaal ku yaal Wadanka Maraykanka, Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Calanka Puntland hoos loo dhigay,isla markaana saddex bari oo baroor diiq ah uu dalku galay,maadama uu geeriyooday shaqsi miisaan wayn ku leh umada Soomaaliyeed.
hoos ka dhagayso


Dr. Gaas ayaa sheegay in Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xusseen gudaha dalka loogu samayn doono Aas-qaran,isla markaana arrintaas ay isku afgarteen Wasiirka kowaad ee Xukuumada Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed.

Madaxweynaha Puntlad wuxuu hoosta ka xariiqay in Cabdirisaaq Xaaji Xusseen uu yahay nin miisaan wayn ku leh umada Soomaaliyeed.

EEBE ha u naxariistee geerida Halyay Cabdirisaaq Xaaji Xusseen ayaa laga dareemay guud ahaan Soomaliya,waxaana uu ahaa shaqsi hufan oo ku caanbaxay wadaniyad jacayl iyo hawlkarnimo.

EEBE ha u naxariisto Cabdirisaaq Xaaji Xusseen.

Taariikh kooban iyo Tacsiyadaha nasoo gaarey hoos ka akhrisho

Marxuum CabdiRisaaq Xaaji Xusseen waxa uu ku dhashay nawaaxiga magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal, sannadku markii

Marxuum Cabdirsaaq Xaaji Xuseeen 1924-2014

Marxuum Cabdirsaaq Xaaji Xuseeen 1924-2014

uu abbaaraha ahaa 1924. Mudane CabdiRisaaq Xaaji Xusseen waxa uu 1944-tii ku soo biiray Somali Youth League (SYL). Xilligaas, waxa uu aad u yiqiin Diinta Islaamka, Cilmiga Bulshada, luuqadda Carabiga, Talyaaniga iyo tan Ingiriiska. Waxa uu ku shaqayn jiray Garraanninimo iyo turjaabaannimo.

Mudane Cabdirisaaq waxa uu SYL ka soo noqday xubin aad u firfircoon, ilaa loo soo doortay Xoogyaha Guud ee SYL 1955-kii, halkaas oo 1959-kiina loogu soo doortay guddoomiyaha SYL. Isla xilliyadaas, waxa uu Cabdirisaaq ahaa Hormuudka Kulliyaddii keliya ee ka jirtay Soomaaliya, oo markaa lagu baran jiray Cilmiga Sharciga iyo Dhaqaalaha. Isla xilliyadaas, waxa uu Marxuumku soo liqay lix bilood oo xabsi siyaasadeed ah.

1960-kii, markii xornimada la qaatay, waxa Mudane CabdiRisaaq noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha; jagadaas oo uu hayay ilaa iyo 1962-dii. 1962-dii ilaa iyo 1964-tiina waxa uu ahaa Wasiirka Howlaha Guud. 1964-tii ilaa iyo 1967-diina waxa uu ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya; ilaa iyo 1969-kiina waxa uu Mudanahu ahaa Xildhibaan ku magacawnaa Keligi-Mucaarad.

Markii, Oktoobar 21, 1969-kii, Kacaanku xukunka la wareegay waxa Mudane Cabdirisaaq loo taxaabay Xabsiga, halkaas oo uu ku jiray muddo 5 sano ah. 1974-tii, waxa isla dowladdii Kacaanka ahayd, ay u magacawday Safiirka Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay. Waxa uu Mudane CabdiRisaaq xilkaas u hayay Dawladdii Millateriga ahayd ilaa iyo 1979-kii.

Tobaneeyo sano oo kale ayaa uu Marxuum CabdiRisaaq Xaaji Xusseen UN-ka ugu soo shaqeeyay La-talaiiyenimo. Muddooyinkii dambena, waxa uu Marxuumku ahaa Oday Soomaaliyeed oo wax BADAN laga weyddiiyo arrimaha Soomaaliya.

Ilaaheey, naxariistii janno ha ka waraabiyo Marxuumka, Soomaali oo dhanna samir iyo iimaan ha ka siiyo.

Haddii aan nahay dhamaanba Soomaalida ku nool Grande Prairie, Alberta, Canada, waxa aan si gaar ah ugu tacsiyaynaynaa Xaaska Marxuumka, Maamo Khadiijo B. Warsame Awdoon iyo ubadkiisa, iyo dhamaanba eheladiisa oo dhan.

Abdikaadir Yuusuf Bagaag

Abdirahmaan Cukur

Abdirizak Shakiib Sh. Maxamuud

Ali Ismail

Bashiir Daahir Hassan

Mahad Abdi Aadan

Maxamuud Saalax Cumar

Raage Cabdullaahi Hoolif

Deeq Aadan Diiriye

Tasida kusoo dira 2014@puntlandi.com

Bogaan waxaan kusoo koobaynaa Taariikhdiisa iyo tacsiyadaha ay umada Soomaaliyeed Dirayaan. ee hoos ka akhriso Tacsida, kana dhagayso waxa laga yiri Geeridiisa.

C/laahi Xasan jaamc (Qaama dhari) oo kamid aha dadkii Lashaqeynayay halgamayaashii SYL ayaa waxaa uu ka waramayaa taariikh nololeedka allaha u Raxmee C/risaaq Xaaji Xasan Xusen oo ahaa raisul wasare soomaray soomaaliya bari samaadkiiw waxaana uu ku macneeyay Shaqis Qabyalada Neceb musuq maasuqa Neceb wadaniyad leh

Hoos Ka Dhagayso

Tacsida labaad

Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyey Geerida Marxuum Cabdirsaaq Xaaji Xuseen

Guddi aas qaran qabanqaabiya ayaan u xilsaarnay”Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane C/weli Shiikh Axmed Maxamed ayaa ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya allaha u naxariistee C/risaaq Xaaji Xuseen oo ku geeriyooday dalka Maraykanka.

Isagoo ku hadlaya Magaciisa, Kan xuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed tacsi u diray qoyskii uu ka geeriyooday Ra’iisul wasaarihii hore iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, waxana uu ugu duceeyey in illaah janadii fardowso ka waraabiyo.

Ra’iisul Wasaare C/weli ayaa qabanqaabada aaska qaran ee loo samaynayo C/risaaq Xaaji Xuseen u magcaabay guddi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta mudane Ridwaan Xirsi Maxamed.

“ Innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun, maanta ummadda Soomaaliya waxaa ka tegay mid ka mid ah geesiyaashiisii iyo halgamayaashiisii naftooda u hibeeyey u adeegidda qarankan, quluubteennu waxa ay la jiraan isaga iyo qoyskiisa.

Tacsida Sadexaad

Madaxweynaha Dowlada Federaalka soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud isagoo ku hadlaya magaca umada Soomaaliyeed ayuu ka tacsiyeeyey geerida saameysa shacabka Soomaaliyeed wuxuuna yiri “Soomaaliy waxaa maanta ka tagay nin Qaali ah”.

Tacsida Afraad

Dr. Faroole oo ka tacsiyeeyey Geeridii Cabdirsaaq Xaaji Xuseen

Madaxweynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole ayaa dhambaal tacsi ah u direy Qoyska Reer Xaaji Xuseen, Shacabka Soomaaliyeed Gaar ahaan Reer Puntland geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Raysal wasaarihii labaad ee Soomaaliya Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Faroole wuxuu si gaara ugu tacsiyeeyey Caruurtii marxuumka iyo Guud ahaan Eheæka iyo Qaraabada.

Marxuumkana wuxuu illaahay uga baryayaa Jano waarta iyo Dambi dhaaf.

Aaamiin Aaaamiin

Tacsida Shanaad

Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geedi, Raysal wasaare Xigeenkii Hore ee Badbaado qaran Cabdiwahaab Ugaas iyo Wasiir ku xigeenkii Hore ee Howlaha Guud iyo Guriyenta Xukuumadii Badbaado Qaran Mudan Xareed Xasan Cali Waxay tacsi Qaan u dirayaa Caruurtii , Ehelkii, Qaraabadii iyo Guud ahaan umada Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid Raysal Wasaarihii labaad ee Soomaaliya Marxuum Cabdirsaaq Xaaji Xuseen.

Geeridu waa Xaq, ilaahay naxariistiijano haka waraabiyo marxuumka.

Aaamiin aaamiiin

Tacsa 7aad

R. Wasaarihii hore ee JFS Md. Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida R.wasaare C/risaaq Xaaji Xuseen

Innaa lillaahi wa inaa illaahi raaajicuun

Raysal Wasaarihii hore ee xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa ummadda Soomaaliyeed la qeybsaday murugada geerida naxdinta leh ee ku timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee dawladdii Rayidka aheyd Allaha u naxariistee Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo xalay ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Raysal Wasaare Saacid ayaa yiri “Runtii aad baan uga naxay geerida C/risaaq Xaaji Xuseen, wuxuuna ahaa halyey Qaran, waxaana tacsi u dirayaa qoyskiisii, Qaraabadiisii iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”.

“Geerida R/W Cabdirisaaq waxaa ummadda Soomaaliyeed ku weyday geesi hal adag oo xorriyad doonkii iyo waqtigii dawladnimada-ba si micno leh ugu soo shaqeeyey Qaranka Soomaaliyeed” ayuu yiri Raysal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon.

Innaa Lillaahi wa inaa illaahi raaajicuun

Tacsida 8aad

Dadkaan hoos ku qoran ayaa tacsidaan diraya
Waxa ay tacsi u dirayaan dhaman ehehlka, qaraabada, iyo dhaman umaada Soomaaliyed uu ka baxay Allaha u naaxariistee Cabdirisaq Xaaji Xuseen, raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya oo shalay ku dhintay magaaladda Minneapolis, Minnesota, USA. Waxaa ay ilaahay isagana uga baryayaan Janadii Fardowsa ahayd.

1- Ysusuf Cusman Samantar (Bardacad)

2- Jamac Maxamed Cigaal( Guulwade)

3- Cabdixakiim Amxed Maxamed (Minjir)

4- Maxamud Cabdi Yusuf 9Gaafaa)

5- Cabdullahi Maxamed Farax ( Ritoos)

6- Libaan yusuf Cusman Bardacad

7- Cabdinaasir Jamac Gurey

8- Maxmed Jamac Joof

9- Maxamed Jamac Guulwade

10-Cabdirisaq jamac guwade

11- Muuse aaadan Maxamed

12- Maxamed Warsame Cabdi

13- Cali Faysal

14- Maxamed Xuseen Warsame

15- Nuur Warsame Geedi

16- Axmed Jamac Gurey

17- Cabdullqadir Yaasin Xusen

18- Maxamud MAxamed ( Camashuluq)

19-Siciido Yasin Cali

20- Cali Farax Canshuur
++++++++++++++++++++++++++

Tacsida 10aad

g

Gen. Maxammad Abshir Muussa oo ka tacsiyeeyay geeridii Marxuum Cabdulrazak Xaaji Xuseen.

Annagoo ah Janan Maxammad Abshir Muussa iyo ilmahayguba, annagoo ka xun geeridii naxdinta lahayd ee walaalkay Marxuum Cabdulrazak Xaaji Xuseen. Waxaan ugu ducaynayaa in Eebbe geeyo Jannatula Fardowsa, Afadii, ilmihii uu ka tegey, guud ahaan qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeedna uu ka siiyo samir iyo iimaan. Allah ha naxariiste Marxuumka walaalkay Cabdulrazaaq Xaaji Xuseen waxaan isla soo kifaaxnay mudo dheer. Halgan dheerna waa soo wada galnay, laga bilaabo kifaaxii Gobbannimo Doonka Soomaaliya — SYL, Aassaaskii iyo dhismihii Dawladii ugu horaysay ee ee maxaliga ahayd, tii Qaranka Soomaaliya ee Kawdii Luulyo, 1960 iyo shirarkii dib u heshiisiinta guud ee Qaran Soomaaliya burburkii ka dib.

 

Aammiin

Janan Maxammad Abshir Muussa

Cabdulraxiim Maxammad Abshir Muussa

Cabdullahi Maxammad Abshir Muussa

Axmed Maxammad Abshir Muussa

Cabdulmalik Maxammad Cali Dacar

Madina Maxammad Abshir Muussa

Deeqa Maxammad Abshir Muussa

Faaduma Maxammad Abshir Muussa

Khadija Maxammad Abshir Muussa

Ayaan Axmed Ibrahim Gambol

Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun

+++++++++++++++++++++++++

Tacsida Jaaliyadaha

Jaaliyada Norway

Inaa Li Laahi Wa Inaa Ilaahi Raajicuun Geeri Naxdin Leh Kulu Nafsi Daa Iqatul Mawt Waxaa Ku Geeriyooday Wadanka Maraykanka (Ex Prime Minister) Dr Abdirizaq Hajji Hussein Wuxuu Ahaa Shaqsi Ka Geeriyooday Soomaali Oo Idil.
wuxuu ahaa shaqsi ku sifoobay soomaali jacayl iyo samaan ka talin taariikhduna way qorin
ilaahay ha u naxariisto qabrigana ha u waasiciyo kitaabkana midigta allaha ka siiyo.
waxaan halkaan uga tacsiyayanayaa soomaali oo dhan gaar ahaan, qoyskii, Qaraabadii iyo Asxaabtii u ka baxay. wuxu ka mid halgamaayadii SYL .wuxuuna u soo diriray xornimada maanta aanu ku faanayno. wuxuu noolaa intii u dhaxaysay 1924-2014 wuxuuna ku dhintay da’da 89 sano
Ilaahay ha u naxariisto, Qabrigiiisana ha u waa siciyo . Aamin Aamin

dadka tacsida diraya

1 cabdiraxmaan xoday
2 maxamad dhagasayn
3 maxamad dhakhare
4 cabdullahi farax kali
5 Mahad cabdulahi farax kali
6 baldho dhaguuf cabdi geele
7 cabdirixman khalif xaaji
8 cabdulqaadir beercade
9 cabdisalaan gacameey
10 cabdulahi xuseen nuur dirir
11 maxamad jaamac ( waran)
12 maxamad cabdulqadir
13 maxamad abuukar
14 cabdisamad biin
15 ifraax xuseen nuur dirir
16 nadiifo cabdi geele
17 maryan ciise xaaji
18 deeqo hurfe
19 maryan gacamay
20 ahmed sanjab
21 iido muuse
22 khadro muuse
23 xaliimo farax jabriil
24 ubax dhugfe
25 xuseen cabdile shiidle
26 faaiso xuseen cabdile shiidle
27 xayaad xuseen cabdile shiidle
28 idil cabdi tahaliil
29 caasho cabdikariim
30 shukri cabdi tahaliil
31 ebyan cabdi tahaliil
32 libin ahmed oor
33 xaliimo cabdi casiis
34 fartuun diihaal
35 jamaad ahmed nuur
36 muxubo dhamuuke
37 faysal fitilig
38 cabdi fataax Cali iglami
39 cabdi fitaax ciise bare
40 saciid xuseen cabdile
41 faysal xuseen cabdile
42 shiine cabdi casiis
43 cabdirisaaq cismaan lugay
44 faadumo cabdi nuur
45 cadar xartaa
46 xamdi maxamad yuusuf
47 shamis biin
48 maymuun biin
49 ifraax koronto maxamad xaaji jaamac
50 amaal maxamuud caynab
51 xabiib cabdi kariim
52 hodan cabdulahi farax kali
53 khadro cabdulahi farax kali
54 maxamad cabdi samad
55 ahmed cabdi samad
56 khadro cismaan farax
57 awkonbe cabdulahi farax kali
58 maxamad shaarib
59 xaawo xasan xirsi
60 faadumo xirsi ciise (faruurdheer)
61 cabdulqadir balcad
62 saleeban ahmed cabdi salaan
63 sahal dabataag
64 hodan Ahmad xirsi carab
65 najmo Ahmad xirsi carab
66 hodan yusuf Ahmad cagay
67 cabdiraxman maxamad nuur ( gudcur)
68 faysal cabdirixman maxamad
69 farxaan cabdiraxman maxamad
70 maxamud dhaloole
71 faysal maxamad cismaan

Jaaliyada Minneapolis

Tacsi– Jaaliyada Minneapolis oo ka tacsiyeynaya Geeridii Raysal wasaarihii hore Cabdirisaaq Xaaji Xuseen

Dhamana Dadka hoos ku qoran waxayTacsidaan udiraynaa Somali oo dhan meel ay joogtaba.Waxay kaloo udiraynaa dhamaan Qoyska Reer-Haaji Hussein meelkasat oo ay joogaanba iyo ilmihiisiiba geerida ku timid Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdirisaaq Xaaji xuseen oo Xalay ku geeriyoodey Dalka Maraykanka.

Waxana ilaahay uga baryeynaa inuu geeyo Janatul-Fardowsa[Aamin]

Dhamaanteenta Somaliweyn oo dhan smir iyo iimaan ilaahay inaga siiyo[Aamin].

Waxaa Tacsidaan diraya qoyska ilma Mohamed Farah[Diihaal].

1.Yasiin Mohamed Farah[Diihaal] iyo xaaskiisa iyo ilmihiisa.

2.Abdirahman Mohamed Farah[Diihaal] xaaskiisa iyo ilmihiisa.

3.Ali Mohamed Farah[Diihaal]xaaskiisa iyo ilmihiisa.

4.Abdirizak Mohamed Farah[Diihaal] xaasaskiisa iyo ilmihiisa.

5.Abdirishiid Mohamed Farah[Diihaal] xaaskiisa iyo ilmihiisa.

6.Abdullaahi Mohamed Farah[Diihaal] xaaskiisa iyo ilmihiisa.

7.Hassan Mohamed Farah[Diihaal] xaaskiisa iyo ilmihiisa.

8.Abdulkadir Mohamed Farah[Diihaal] xaaskiisa iyo ilmiihsa.

9.Mohamud Mohamed Farah[Diihaal] xaaskiisa iyo ilmahiisa.

10.Abdinur Mohamed Farah[Diihaal] xaaskiisa iyo ilmihiisa.

11.Abdiwahab Mohamed Farah[Diihaal] xaaskiisa iyo ilmahiisa.

12.Abdiladiif Mohamed Farah[Diihaal] xaaskiisa iyo ilmahiisa.

13.Hodon Mohamed Farah[Diihaal] iyo ilmaheeda.

14.Fartun Mohamed Farah[Diihaal] odaygeeda iyo ilmaheeda.

Abdirizak/Diihaal/Minneapolis/PI.

Jaaliyada Denmark

Jaaliyada Puntland ee Denmark(Aarhus) ayaa ka tacsiyeynaysa gweridii ku timid Raysal wasaarihii labaad ee Soomaaliya yeelato Marxuum Cabdirsaaq Xaaji Xuseen oo xalay 31. 01.2014 ku geeriyooday Dalka Maraykanka.

Jaaliyada iyagoo ka tiiraan yeysan waxay tacsi gaara u dirayaan Caruurtii iyo Ehelkii Marxuumka iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa inaka tagey Halyeey Soomaaliyeed oo aan wada xasuusan doono, Illaahay janadii haka waraabiyo .

AAAAMIIIN AAAASMIIN.

Eedo Xaliimo Soofe
Baashi Xasan Tubaako
Eedo Xaliimo Soofe
Baashi Xasan Tubaako
Eedo Xaadsan Cali Ilweyn
Cabdinaasir Wacbuudhan
Cabdirshiid Burburshe
Saciid Cabdille Cali Ilweyn
Cumar Sheikh Xaashi
Cali Foor
Cabdirshiid Siyaasi
Jamac Axmed Nuur
Siciid Suujino
Cabdullahi Baynax
Cabdi Dhaan joor
Cismaan Maxamuud X. Xasan
Cabdulqaadir Khaliif Biini
Cabdi Jabaar Shiek
Saciid Aaden Shugri
Mahad Abuukar
Cabdimaalik Qar iskaxoor
Cabdullahi Guuleed
Ibraahim Cabdi Qayaad
Liibaan Farax Xayir
Cabdisalaan Cali Askar
Maxamed Axmed(Bashiir Cagay)
Cabdulahi xuseen Calas
Cabdirshiid Shirwac
Maxamed Jamac Sooyaan
Mohamuud Khaliif
Axned Cambaar
Cabdullahi Dambalaas
Cadar Maxamuud Indhayare
Faadumo Maxamud Indha yare
Sciid Dhimbil
Foos Cali Nuur
Faadumo Diiriye
Xamdi Geesdheer
Saynab Tahaliil
Cawil Aaden
Yusuf Maxamed Yusuf Dhuux
Ciise Maxamed Yusuf Dhuux
Cabdi Shire Ereg
Yasiin Jamac Bicir

Jaaliyada Leicester-UK

Tacsi – {Halyeey /geesi waddani ah oo inaga tegay}

Dhammaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Leicester iyo agagaarkedaba waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhammaan ummadda soomaaliyeed kadib geeridii halyeey qaran ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo xaleyto ku geeriyooday dalkaasi Mareykanka. Jaaliyaddu waxa ay leeyihiin Allaha ummadda soomaaliyeed sabir iyo iimaanba ka siiyo geesigaas/ halyeeygaas qaran ee ka geeriyoday, sidoo kalena eheladiisii iyo qaraabadissiba, isagana waxeynu leenahay Allaha janatul ferdowsa ka waraabiyo.

Cabdirisaaq waxa uu ahaa geesi halyeey qaran waxaa uu kasoo qeyb qaatay halgankii gobanimodoonka ahaa ee SYL, wuxuu ahaa raggii ay ka go’nayd in ay arkaan soomaaliya oo xor ah oo lugaheeda isku taagta. Kadib Xoriyadda markii la helayna wuxuu ka mid noqday raggii ugu horeeyay ee ka qeyqaata maamulka dowlad soomaaliyeed oo xor ah. Cabdirisaaq waxa uu noqday ra’iisal wasaarihii ay yeelato soomaali xor ah ee 2aad isagoo ahaa muddadii u dhaxeysay 1964 – 67dii.

Qof walbaa wuu dhimanayaa oo qof haddii nolol lagu deynayo nabi Maxamed (CSW) ayaan dhinteen. Innaa lilaah wa innaa ileyhim lanuraajicuun Cabdirisaaq taariikhdaa xusi doonta wuxuuna taariikhda soomaaliya ka galay baal dahab ah. Waxaa kaloo lagu xasuustaa isagoo aan marna lagu arag isagoo dhinac ka ah dagaaladii qabaliga ee dalka ka dhacay, Mar walbaana uu mowqifkiisu caddaa, isagoo ay halheys u aheyd taariikhd ii gali meyso Cabdirisaaq oo ka shaqeeyay kal go’a soomaaliya. Allaahu akbar geesi wadani ahaa, geesi ku daysho mudan Allahayoow janatul ferdowsa ka waraabi, Allahyoow ummadda soomaaliyeed u soo saar rag Cabdirsaaq oo kale ah iyo kuwo ka kheyr badanba.

1- Yaasiin Daahir Muuse

2- Suldaan Cabdiraxmaan Aadan Dude

3- Cabdi Maxamed Tarax

4- Cabdullaahi Suudi

Madaxweyne Maxamed Xaashi Carabeey

5- Maxamed Cabdixaliim

6- Jaamac Shiikh Cusmaan

7- Cabdirisaaq Xirsi Dhamac

8- Siciid yuusuf Wareey

9- Cali Cashuur

Asad Shaafici

10- Axmed Guufe

Asad keenadiid

11- Cali Dhoore idiriis

12- Cali Maxamed Cismaan – Cali Gacmeey

13- Bashiir macalinka

14- Cabdullaahi kooshin

15- Maxamed Xasan

16- Cabdiraxmaan Cali Cumar ( Janogale)

17- Cabdiraxmaan Guuleed Shiino

18- Cismaan Cumar Boqor

19- Farxaan Cali Nuur

20- Burhaan

21- Xasan Oslo

22- Xasan Sablaale

23- Siciid Amesh

Maxamed Cabdullaahi Beeldaaje

24- Warsame Beeldaaje

25- Suldaan Cabdifataax Guure

26- Cabdisalaam Yuusuf Teetano

27- Maxamed Jaamac

28- Siciid Yuusuf

29- Maxamed Yuusuf

30- Cabdi Daahir Sodonle

32- Aadan Guhaad

Sahra Xubeero

33- Shukri Siciid Daahir

Aamino Ibraahim

Siciido Dhiinje

34- Ustaad Maxamed Saalax

35- Cabdikeyf Bashiir Faarax

36- Sucaad Ceygaag

37- Xaliimo Saalax

38- Fowsiyo Cartan

39- Heykal Cabdullaahi

40- Raage

41- Liibaan Xirsi

43- Siciid Shabeele

44- Cabdirishiid Qandala

45- Cabdirishiid Beeldaaje

46- Cali Timoyare

47- Maxamed Yaasiin

48- Cabdulqaadir Yaasiin

49- Cabdisamad Qeyliye

50- Cali Maxamed Ciise

51- Cabdicasiis M Ciise

52- Maxamed Indhoyare

53- Sahra Yuusuf Jaamac

54- Faadumo Jaamac

55- Jamaal Siciid

56- Iyo qaar kaloo baddan

Diyaariye : – Cabdixakiim Jaamac Jooje

Gudoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee Leicester

Jaaliyada Puntland ee Malaysiya

Jaaliyada Puntland ee malaysia ayaa ka tacsiyeynaya geeridii ku timid Raysal wasaarihii labaad ee Soomaaliya yeelato Marxuum Cabdirsaaq Xaaji Xuseen oo xalay 31/01/2014 ku geeriyooday Minnesota Medical Center ee Dalka Maraykanka.

Ilaahay waxaan uga baryeynaa inuu Janadii ka waraabiyo Qarankii iyo Qaraabadii uu ka Geeriyoodayna samir iyo iimaan alle ka siiyo

Aamiin Aamin
Prepared by: Abdisahal Omar Farah (Wadaadyan
1. Mohamed Abdisamad Shalaqbeen
2. Abdisahal Omar Farah Cadde
3. Ahmed Abdirahman Bihi
4. Shiikh Ahmed Hussien ( Ahmed dheere)
5. Sh. Xasan Xuseen Muuse
6. Ahmed Abdisaid Aden (kayare)
7. Maxamed Ali Galdox
8. Mukhtaar Birre (shiil shiil)
9. Abdihalim A/asiis M. Abubakar
10. C/rasaaq c/salaam warsame
11. C/xakiim kawsarad
12. Maxamed xassan ciiro (Burtinle)
13. Faysal Warsame ( faysal guunbe)
14. Carab Aden Tuuhaa
15. Yuusuf Muxuyadiin Abdisalaan
16. Shakiib Warsame Omar
17. Maxamed Aadan Haamey
18. C/qadir Xirsi Maxamed
19. Awil Abdi (Awil dheere)
20. Ali Farah Jama Caduur
21. Ali Abdi liibaan
22. Hanad Maxamed carato
23. Abdiwali Gardheere
24. Abdinaasir Ahmed
25. Ismacil sheikh Ibraahim
26. Abdifitah Mohamed Abdulle
27. Ahmed Omar Yuusuf
28. Ibraahin Khaliif
29. Mohamud Abdi Ali (berdone)
30. Mamo Safiyo Cali Mayaas
31. Mamo Sacido M. Afguduud
32. Mamo Xawo c/dheere
33. Momo Fadumo
34. Hani Abdiqani maxamed
35.Saido Abdisaid Aden
36.Hibo cabdi guuleed
+++++++++++++++++++++++++++

Jaaliyada Soomaaliyeed ee London-UK

Abdi madoobe ali xush
dr makhtal abdi aden
xirsi xaaji
jamac
abdirisaq hirsi keenadeed
ahmed geele
khalif hirsi
raage daahir
gaacir mohamed gacamey
cumar bootaan cilmi
abdirisaq farah gaas
abdisamad ali xush
sadaq mohamed gacamey
musadaq farah issa
hassan mohamed omar
abdulahi sheikh mohamed
mahdi abdul qaadir
mahdi ali doob
khatin abdulahi
abdi casiis bucur
ahmed abshir omar
abdulahi jama nur
adan khalif haji

abdulahi mohamed ali nur
+++++++++++++++++++++++++++++++

Reer Sweden

Gothenburg:- Anagoo ah ehelka dagan wadanka Sweden gaar ahaan magaalada Gothenburg waxaan leenahay Innalihiihi Wa Inaa ilayhi Raajucuun allaha u naxariistu Adeer Abdirisaaq Haaji Hussein oo ku geeriyooday magaalada Minneapolis ee wadanka maraykanka waxaana tacsi u direynaa dhamaan ehelka ,Qaraabada, Asxaabtiisii, iyo dhamaan umada somaliyeed meel kasto oo ay joogan.

Waxaan ilaahay uga baryaynaa inuu jannadii fardowsa uu geeyo dhamaana inaga oo dhan uu samir iyo iimaan naga siiyo.

Tacsidaan waxaa diraya ehelka dagan wadanka Sweden Garr ahaan magaalada Gothenburg.

Suldaan Abdirisaaq Hersi Arab

Abdirisaaq Yusuf Jamac “ Gurey”

Abdi Muse Seed “ Abdisharib”

Mohamed Bean Aw-Nor

Abdiasis Hussein Hersi ”Barandare”

Abdiasis Farah “Dhaashane”

Abdullahi Ali Aden “Raadweyn”

Abdille Abdullahi Osman

Abdirisaaq Osman Nurdirir

Maryan Yusuf Eelay

Abdulqadir Bean Aw-Nor

Abdihamid Bean Aw-Nor

Abdiqafar Bean Aw-Nor

Abdirisaaq Aamusane

Abdiwali M Farah

Abdulahi M Hirsi

Abdullahi Farah Geestiir

Abdulqadir A Samriye

Abdulqadir Ahmed Aden

Ahmed Abdisalaan Hussein

Awil Abdulahi Aden

Gaboobe Hirsi Arab

Mohamed Abdisalaan

Mohamed Ahmed Omar “Kaabe qabil”

Muunyo Damuuke

Qaasin Abdulahi Tigey

Said Hassan Geestiir

Ahmed Jama Muse

Cali Husein Geestiir

Naceeye Aamusane

Mohamed Abdulahi Eelay

Abdimaalik

Ismahaan Aden Haashi

Khadro Hashi dheere

Ubah Abdulahi Farah “kali”

Aasho Abdulqadir Haji Hussein Awar

Maryan Abdisalaan “Maryan Cadey”

Jamiilo Ali Aden

Sahro Ahmed Muse “dhagacade”

Ayaan salad Ahmed

Maryan Abdulqaadir Haji Hussein

Fadumo Xirsi Farurdheer

Ubax Abdi shaarib

Shamso Abdi Shiidle

Fadumo Kaabe Qabiil

Xaawo Abdulaahi Osman

Rahmo Cadaysey Osman.

__________ ……………………. ________

++++++++++++++++++++++++++


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles