Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Sawiro kale iyo Wasiirka Warfaafinta oo aan Wali la magacaabin, Shire Xaaji, Cali Xaaji iyo Dr. Eenow oo Wasiiro noqdey

$
0
0

Dr Gaas ok
Madaxweynaha Dowlada Puntland Prof. Cabdiwlai Maxamed Cali Gaas wuxuu maanta si rasmi ah usoo bandhigey Golihiisa Wasiirada inkastoo Wasiirka Warfaainta aan Wali lamagacaabin, Hadana Wasiirada la magacaabay waxaa ku jira waji siyaasada uga soo dhex muuqdey xligii Ololaha doorashada kuwasoo u tartamay Jagada Madaxweynaha.

Mudane Shire Xaaji Faarax oo ah Ganacsade reer Puntland ah run ahaantiina kamid ah Ganacsatata ugu taajirsancali eenow shir Puntland waxaa loo magacaabay Wasaaraa Maaliyada Puntlnd, Shire Xaaji Wuxuu kamid ahaa Ragii la tartamay Madaxweynaha, wuxuuna kamid ahaa ragii aadka loo saadaalinayay inuu Madaxweyne noqonaya sababtoo ah waxaa aad u taageersanaa shacab fara badan, wuxuuna kamid ahaa Shire Xaaji Faarax ragii soo bandhigey Qorshe hufan oo dadbadan soo jitey.

Cali Xaaji Warsame oo kamid ahaa Sadexdii Murashax ee Wariigii labaad usoo gudbe Doorashada waxaa loo magacaaayali Wasaarada Waxbarashada, jagadaan waxaa maalmahaan la hadal hayay inuu sii heyn doono Wasiirkii horey u hayay Mr Juxa balse taas ma dhicn, Cali Xaaji Warsame oo isna kamid ahaa Raga aadka loo saadaalinayay inuu Madaxweyne ka noqdo Puntland wuxuu horey usoo ahaan jirey Maareeyihii guud ee Shirkada Isgaarsiinta ugu wayn Puntland, waa shirkada Golis.

Dr. Saadiq Eenow oo kamid ahaa Murashixiintii Madaxweynaha balse doorashadu markay maalmo ka harsanaayeen ayuu iseenow casiley, Dr. Eenow waa Dhakhtar isla markaasna waa Qoraa ka faalooda kuna xeel dheer Taariikhda Soomaaliya, Waxaa loo magacaabay Wasiirka Caafimadka, Dr. Eenow waxaa aad loogu xasuustaa Xisbiga Midnomo oo uu u ahaa Gudoomiye, Xisbigaasoo kamid ahaa Xisbiyadii Siyaasada ee Madaxweyne Faroole doonayay inuu Dalka ka hirgaliyo

Sawiradaan hoose waa Agaasimaha Madaxtooyada Dr. Deeq Suleymaan oo u dhawaaqaya Wasiirada iyo saxaafada oo saf ugu jira
deeq agaasimaha madaxtooyada pl
IMG_1931

IMG_1937

IMG_1996

IMG_2006

IMG_2007


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles