Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Baaq nabadeed oo ku aadan Jubaland oo ay soo saareen Waxgaradka Daarood ee Minneapolis

$
0
0

Mineapolis, 22 July 2013 Maalintii Sabtida ee taariikhdu tahay July 20, 2013 Waxaa shir ku yeeshay Minnesota, USA beelaha dega Jubbaland. Shirkaas oo ay gogashiisa dhigtay beesha Sade, ujeedadiisuna ahayd canbaarayn dagaalkii foosha xumaa ee ka dhacay Kismaayo, kaasoo keenay khasaaro micna dara ah oo isugu jira dhimasho, dhaawac, burbur iyo barakac. Dagaalkaas oo ay soo abaabuleen dad aan nabada dadka walaalaha ah ee Jubaland dagan ka talinayn, dhiigoodana ka naxayn, qasna ku wada shirarka ay maamul ku samaysan lahaayeen. Kulaankaas waxaa ka soo baxay baaqaan nabadeed ee hoos ku qoran: 1) waxaan cambaaraynaynaa dagaalkii ka dhacay Kismaayo, waxaanan u tacsiyeynaynaa intii ku dhimatay, waxaanan u ducaynaynaa intii ku dhaawacantay in allah caafiyo.2) waxaan ugu baaqaynaa dadka walaalaha ee reer Jubaland inay ilaashadaan nabada, midnimada iyo wadajirka, ayna si buuxda u dhistaan maamulkooda.3) waxaan ugu baaqaynaa dawlada Soomaaliya ee federaalka inay ka waantowdo hurinta colaada iyo qaybinta dadka degaanka, taas oo aan faa’iido laga gaarayn in la sii kala fogaado maahane.4) Waxaan ugu baaqaynaa maamulka Jubbaland inay ilaaliyaan nabadgalyada iyo kala danbaynta , kana shaqeeyaan dib u heshiisiinta, taasoo dhismaha maamulka saldhig u ah.5) Waxaan mahadcalinaynaa cid walba oo ka shaqaysa nabada Jubbaland iyo maaamulka ay dhisanyaan dadka jubbaland mahada ugu danbaysa waxaa iska leh allah weyn iyo dadkii ka soo qayb galay shirkaan nabadeed.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles