Dowlada Puntland ayaa shaaca ka qaadey iney joojintii doorashooyinka deegaanka ay masuul ka ahaayeen Dad Qaswadayaal ah oo aan eegeyn danaha iyo Mustaqbalka Shacabka Puntland, Wasiirka Warfaafinta Puntland Eng.Maxamuud Caydiid Dirir oo la hadley saxaafada ayaa sheegey in Qorshihii ahaa in ay Puntland ka dhacaan doorashooyinka Goloyaasha Deegaanka ay sabab u ahaayeen in la baajiyo kooxo Qaswadayaal ah oo isku bahaystay bururinta Puntland ayna ku jiraan argagixiso ,burcad badeed ,Federaal diid Muqdisho ka soo ariminaya iyo maleeshiyo beeleedyo.
’Puntland Dadkeedu uma jeedaa faa’idada ay haystaan balse dadka kale ayaa u jeeda Puntland codow badan ayaa ku furan oo dalka iyo dibada ka jira,Burcad badeedka ayaa ka mid ah alshababkii looga soo adkaayay konfurta ayaa soo carartay,siyaasiyiin dowlada dhexe ka mid ah ayaa ka mid ah dadka diiday nidaamka federaalka ,gobollada Sool iyo Sanaag ayaa dagaal uga furanyahay’’ Ayuu yiri Daahir.
Dhinaca kalena Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Midnimo oo iyagu mudo bilo ah ka hor sheegey ineysan ka qayb galeen Doorashooyinka iyagoo eedeynaya Gudiga Doorashooyinka ayaa dhiniciisa difaacey kooxihii ka horyimid doorashada wuxuuna ku tilmaamey iney shacabku diidanaayeen doorashooyinka ayna iyaga ahaayeen Dadkii hor istaagey.
Siyaasi Daahir Mire Jibriil ayaa isna difaacey Go’aankii Dowlada isagoo hoosta ka xariiqey iney jiraan Cadowl Badan oo ku farxaya qalalaase siyaasdeed oo Puntland ka dilaaca, wuxuuna yiri Daahir Mire Jabriil ‘’Puntland Dadkeedu uma jeedaa faa’idada ay haystaan balse dadka kale ayaa u jeeda Puntland codow badan ayaa ku furan oo dalka iyo dibada ka jira,Burcad badeedka ayaa ka mid ah alshababkii looga soo adkaayay konfurta ayaa soo carartay,siyaasiyiin dowlada dhexe ka mid ah ayaa ka mid ah dadka diiday nidaamka federaalka ,gobollada Sool iyo Sanaag ayaa dagaal uga furanyahay’’
14 bishaan Luuliya ayaa rabshado ka dhaceen Magaalada Qardho ay ku dhinteen Dad rayid ah iyo Askar ka tirsan Ciidanka oo uu kamid ahaa Taliyihii Ciidanka Kumaandooska, iyadoo isla maalintaas uu Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ka dib wada tashi dheer ka dib uu ku dhawaaaqay in dib loo dhigay Doorashooyinkii sababo la xiriira amaanka shacabka awgeed, waxaana Go’aankaas soo dhaweyey siyaasiyiinta iyo shacabka Puntland, waxaa dhinaca kale iyana go’aanka taageeray Beesha Caalamka.
Puntlandi.com
Garowe