Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Warsaxaafadeed: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay safiirka Britain u fadhiya soomaaliya

$
0
0

Muqdisho, January 15, 2014——Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane
Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta kulankiisii ugu horeeyay la qaatay
Safiirka dalka Britain u fadhiya dalka Soomaaliya Weil Nigan. Ra’iisul
Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay safiirka Britain taageerada xoogan ee
dawladdiisu ay la garab taagan tahay dalka Soomaaliya.

Danjire Wigan ayaa ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya
magacaabistiisii, waxaana uu la wadaagay fariin ka timid Ra’iiusl
Wasaaraha Britain David Cameron taasoo aheyd in Britain ay ka
go’antahay taageeradda dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirku waxa ay ka wada hadleen
taageerada dawladda Britain ee dhinacyada Amniga iyo mashaariicda
horumarineed, iyo sidoo kale howlaha waaweyn ee hor yaala xukuumada
cusub, waxaa kale oo ay ka wada hadleen sidii dalka loo gaarsiin lahaa
doorashooyin xor ah sanadka 2016-ka.

“Xiriirka u dhaxeeya dawladdaha Soomaaliya iyo Britain waa mid
taariikhi ah oo sal adag, waxaan dawladda Britain uga mahadcelinayaa
taageeradeeda xoogan iyo shirarkii caalamiga ahaa ee ay u qabatay
Soomaalida, uguna soo jeedisay indhaha beesha caalamka” ayuu yiri
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Gabagabadii Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay sidii
looga wada shaqeyn lahaa tayeynta hay’addaha amniga, tayeynta
hay’addaha dawladda sida wasaaraddaha iyo weliba gaarsiinta
mashaariicda horumarineed ee dhamaamba gobolada dalka Soomaaliya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles