Annagoo ah Jaalliyada reer Puntland ee Australia waxaanu hambalyo u diraynaa Madaxweynaha cusub ee loo doortay Puntland Abdiweli Cali Gaas, waxaana u rajaynaynaa guul iyo in illaahay ku hagaajiyo wadada khayrka leh – wado ummadda reer Puntland iyo Somalia guud ahaan gaarsiisa nabad, barwaaqo, kala dambayn iyo midnimo. Sidoo kale waxaanu hambalyo gaarsiinaynaa madaxweynihii xilka wareejiyey Cabdiraxmaan Mohamed Mohamud (Faroole) sida sharafta leh ee uu u maamulay doorashadaan uguna hambalyey madaxweynaha la doortay.
Sidoo kale waxaanu hambalyo u soo diraynaa odayaasha dhaqanka, xildhibaanada, waxgaradka, aqoonyahanada iyo dhalinyarada sida wanaagsan oo nabad ah oo ay uga qaybqaateen doorashadaan lagu soo doortay Cabdiweli Cali Gaas. Waxaa iyaduna mudan in la xuso sida qadarinta iyo mudnaanta leh ee diblomaasiyiinta ka kala socotay Africa, Europe iyo Jimciyada Quruumaha ka dhexaysa oo uu hogaaminayey Nikolas Kay ay waqtigooda qaaliga ugu hureen Puntland si ay goob joog uga ahaadaan doorashada Puntland ku dooranayso madaxweynaha shanta sano oo soo socota.
Mar labaad waxaan Cabdiweli iyo kooxda daadihin doonta Puntland shanta sano ee soo socota u rajaynaynaa guul iyo in illaahay wadada saxda ah ku toosiyo. Waxaana ka codsanaynaa shicibka reer Puntland inay wada shaqayn u muujiyaan oo garab galaan dawladooda.
Waxaa soo gudbiyey
Guddoomiyaha Jaalliyada Puntland
Omar Mohamud Dhollawaa