Alla ha u naxariistee Marxuum Jamac Maxamed Xasan oo loo yaqiin Jaamac Dheere wuxuu galabta ku geeriyoodey Magaalada Gaalkacyo oo uu bilahanba ku sugnaa, Marxuumka ayaa in Mudo ah Xanuunsanaa, Jamac Dheere wuxuu kamid ahaa Odoyaasha Soomaaliyeed ee Caasimada labaad Danmark Magaalada Aarhus aadka looga yaqaan isla markaasna uu ka midka ahaa Soomaalidii ugu soo horeysey ee soo dega Denmark.
Jaaliyada Soomaaliyeed, Gaar ahaan Jaaliyada Puntland waxay Tacsi u dirayaan Xaaskii iyo Caruurtii iyo Caruurtuu Awoowaha u ahaa ee Marxuumku ka tagay.
Waxaa illaahay looga Baryayaa Marxuumka oo Bil barakaysan Geeriyoodey Jano waarta iyo Dambi Dhaaf.
Aaaaamiiiinn
Amiin.
Waxaa tacsida nasoo gaarsiiyey
Siciid Cabdille Cali Ilweyn
Aarhus-Denmark