Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa Maanta Garowe kula kulmey Isimada Puntland.
Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed cali Gaas ayaa maantay qaabiley Wafdi balaaran oo ka socda Beesha caalamka iyo qaramada midoobey, kulanka waxaa goob joog ahaa ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nick Kay, waxaana looga wada hadlay wada shaqaynta dhexmari doonta dowlada cusub ee Puntland iyo Xafiiska Qaramada Midoobey.
dhinaca kale Mr. Kay wuxuu kaloo si gaara ula kulmey Isimada Puntland, kulankaasoo la is gacan galiyey waxaa la isugu hambalyeeyey nidaamkii wanaagsanaa ee Doorashadu u dhacdey iyadoo la isaga mahadceliyey wada shaqayntii iyo howlihii la wada qabtey.
Nick Kay wuxuu Isinada Puntland ku amaaney doorka ay ka qaataan Arimaha Bulshada.
faahinta warkaan kala soco wararkayaga dambe.