New York ilaa Boston ayaa hwadu aad u xumaatay maanta ka dib markii Baraf xoogan oo meelaha qaarkood dhulka ka sareeya 60cm uu ku hoorey Dalka Maraykanka, Magaalada New York oo malaayiin qof Degantahay waxa galabta shacabka lagu wargaliyey iney iska ilaashaan iney baabuurta kaxaytaan aysana banaanka u soo bixin hadii aysan daruueri ahayn.
Philadelphia ayaa Nin darawal ah oo u shaqaynayay Degmada wuxuu ku dhintey ka dib markii uu kusoo rogmadey gaari cusbo wadada ku daadinaya.
New York Haweyney duq ah oo socod gaaban gashey ayaa qabow u dhimatay ka dib markii ay ilowdey iney jaakat xirato.
Shilal baabuur oo barafku sababay ayaa New York iyo Boston waxaa ku dhintey 7 Qof.
Dhamaan waxaa galabta la xirey Skuulada Gobolk New York waxa sidaas ambey Maayarka magaalada, waxaana wadooyinka ka shaqaynaya kumayaal Baabuur oo ah ku Cusbada wadada ku daadiya, Garoonka Diyaaradaha JFK ayaa gabi ahaan la xirey,
Canada ayaa iyana qaybo akmid ah Barafku fara kulul ku Hayaa.