25 Dec.2013 markii uu soo baxay warkii ku saabsanaa tanaasulka iyo dadaalka ay sameeyeeb Murashixiinta Puntland waxaa Puntlandi soo gaarey fariimo badan oo hambalyo iyo bogaadin ah oo ku socda Murashixiinta u tartamaya hogaanka Puntland.
Baaqyada habmablyada ah oo Qurba joogto ay soo gaarsiiyeen Puntlandi waxaa ka mid ahaa qoraaladaan oo aan idiinkasoo dhex xuley Baaqyadaas.
“Hadalka kasoo yeerey Murashixiinta iyo go’aankoodu wuxuu xambaarsanaayeen dhankayaga farxad, wuxuu ahaa go’aan siyaasi walba oo dalkiisa iyo Dadkiisa ka fakaraya uu gaaro, waana mid geesino”
Niyada shacabka Puntland waxaa maalmahaan ku daboolnaa murugo iyo walwal, lakiin maanta waxaad ka qaadeen muragadaas, waxaadna gaarteen go’aan aan fileyney inaad gaari doontaan, waayo Reer Puntland waxaa lagu yaqaan go’aan qaadasho ka turjumeysa rabitaanka Shacabka”.
“Waxaan ku jiraa 2014, Burburkii Soomaaliya waxaa ka soo wareegey Rubuc Qarni, Puntland waxay jirsatey 15 sano, marna marna marna dooni mayno inaan dib u noqono, mana yeeleyno inaan noqono, mana aqbalayno in Puntland Wax la yeelo, horumar baan rabnaa iyo in meehsaas lagasii qaado meeshaan joogno, Madaxdii hore waxay noo jeexeen wado wanaagsan, waxay na gaarsiyeen meel wanaagsan, hadana waxaan dooneynaa in aan sii socono, kii isku daya inuu na hor istaago ka yeeli meyno, mana ilaaweyno hadii la isku dayo, Waxaan maanta bogaadineynaa Murashixiinta, Isimada iyo Waxgaradka Dadaalka iyo tanaasulka ay sameeyeen”
Madaxweyne, Murashixiin waxaad ku hardameysaan maato korkeed, hardankaan aan ka wado ma ahan Dagaal ee waa mid olole siyaasadeed, laakiin waxyaabaha qaarkood maskaxdayadu ma qaadi karto, Ma dooneyno in dhiig shaqsi reer Puntland ah maanta lagu daadsho gayiga Puntland, isu tanaasula, Soomaali iyo Aduunkuba waa idin daawanayaa, aan ka dhabeyno Ereygii ahaa “Puntland waa horseedka Soomaaliya”, waxaad maanta na tusteen waa Wax lagu faano, waa inoo 8 janaayo iyo baratan wacan, kii guuleysta hala taageero, kii laga guuleysto ha dhaho waa la iga guuleystey”
Fariin ku socota Xildhibaanada 2014/2019
Dibitaatiyaashow sharaftiina ilaaliya oo meesha iska qaada oo Dalka idinkaa hogaaminaya ee yaan hal shaqsi oo idinku doorateen uusan idin hogaamin, Siyaasada hadaad ciyaartaan oo aad fahantaan awoodiina Dalka idinkaa hogaaminya, Ninkaad Doorataan wuxuu haleeyo idiinkaan idiin soo raacaneynaa ee taas ogaada.
Isimada
Waxaad tihiin Isimada ugu sharafta badan Soomaaliya, Isimada soo jireenka ah ee Puntland haloo hogaansamo, sharaftoodana yaan meel looga dhicin, cidna kama yeeleyno in Wax la yeelo sharaftooda iyo karaamadooda.
Dhamaan Isimada waan bogaadineynaa howsha ay qabteen, hadana ay wadaan, waana ku faraxsanahay iney maanta isugu yimaadaan Garowe, shaqo wacan iyo isu tanaasul.
Gunaanadka
Madaxweynihii hore Mudane Cade Muuse waxaan ku xasuusanaa doorashadii hore sidii quruxda badneyd ee uu xilka u Wareejiyey markii laga guuleystey, Madaxweyne faroole waxaa looga fadhiyaa in hadii laga guuleysto uu maro wadadii Cade Muuse maray.
Xildhibaanada cusub iyo Murashixiinta uu Madaxweynuhu ka midka yahay waxaad ogaataan Puntland ma ahan Puntlandtii hore, shacabka Puntland diyaar bay u yihiin iney aduunka Wax la qaybsadaan, Indhahaan idinku haynaynaa saad Wax u wadaan, Guul baan idiin rajayneynaa.
Dhamaad