Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

(Warbixin+Sawiro) Musharax Cabdi Wali Gaas oo booqday Cisbitaalka Garowe

$
0
0

Gaeowe–25 Dec. 2013–Pi– Waxaa saaka Isbitaalka Guud ee Magaalada Garoowe Booqday Musharax Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaana Socdaalka Musharaxa uu ku saabsan Oganshaha Xaaladda Dhabta ah Bukaanka kala duwan ee Isbitaalka Jiifa iyo Habsami u socodka Shaqada isbitaalka Madaama Isbitaalka yahay kan Guud ee loogu talagalay Daboolidda Baahiyaha caafimaad ee Bulshada.

Musharax Gaas wuxuu booqday Bukaanka Isbitaalka Jiifa isagoo qaybtood kuwa awooda ka waraysanayay Xaaladahooda Cafimaad, waxaa kaloo Gaas uu mid mid u galay qaybaha uu ka Koobanyahay Isbitaalka sida Saalada Qaliinka, Shaybaarka iyo qaybaha Shaqada Isbitaalka.

Madaxda Isbitaalka iyo guud ahaan Howlwadeenada ayuu Musharaxa kulan la qaatay kuwaaso Warbixin ka siyay Xaladda Isbitaalka wakhtigaan iyo Darufihiisa kala duwan, waxaana Shaqalaha Isbitaalka Farxad gelisay in Musharaxa uu noqday Musharixii ugu horeeyey ee Booqday Isbitaalka iyadoo Magaalada Garoowe ay ku suganyihiin in ka badan 15 Musharax.

Cabdiweli Gaas oo Saxafadda kula hadlay Gudaha Isbitaalka ayaa uga Mahadceliyay Shaqlaha Daruufaha adag ee ay ku shaqaynayaan iyo weliba shaqada adag ee Bulshada Har iyo Habeen u hayaan taaso ay dheeratahay Dhabar adeeg.

Musharax Gaas ayaa Goobta kaga dhawaaqay Dhaqaale aan laga hor sheegin Warbaahinta si loogu socodsiiyo Adeegyada Isbitaalka uu u hayo Bulshada.

Horumarinta Arrimaha Cafimaadka Guud ahaan Dalka ayaa qayb ka ah Balanqadyada uu Maanka ku hayo Musharaxa in ay yihiin kuwa ugu horeeya si loo helo Bulsho Cafimaad qabta, iyadoo weliba Goobaha Isbitalada Guud ay yihiin Maanta kuwa u baahan in la hormariyo lana garsiyo heer ka sareeya meesha ay Maanta taaganyihiin.

 www.puntlandi.com.

Hoos ka daawo sawirada

2

5

6

7

10

14

20

23

26

32

35

36

46

48

50

60


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles