Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Daawo sawirada Xaflad lagu taageerayo Murashax Dr Cabdiweli Gaas oo lagu qabtay Magaalada Växjö ee dalka Sweden

$
0
0

“Puntland waxay u baahan tahay in meesha hada ay taalo  laga qaado  oo meesha ay istaahisho la geeyo” oraahdan xigamada ku dhisan waxaa ay kamid ahayd khudbad kooban oo Murashax Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu khadka maqal dhaweeyaha ama taleefanka uu uga jeedinayay xaflad isaga garab istaag iyo dhiiri galin loogu muujinayay taasoo ka dhacday Magaaladan Växjö oo dhacda koonfurta dalkan Sweden  xaruna u ah gobolka Kronoberg.

kulankan qiimaha badan ee lagu taageerayay Murashaxa kursiga madaxtinimada Puntland ee sanada 2014-ka ahaana raiisal wasaarihii xukuumadii badbaado qaran ee Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay soo qaban qaabiyeen gudi ka kooban Afar xubnood oo kala ahaa Cabdinuur Maxamed Mursal oo loo yaqaan Ilkacase, Cabdikariin Cali Abuubakar, Maxamed Cabdiwarsame Xabeeb iyo Bashiir Cabdullaahi ayaa waxaa kasoo qayb galay bulshada qeybaheeda kala duwan waxaana ugu horeeyn ka hadlay Bashiir Ismaaciil oo ku hadlayay magaca waxgaradii kasoo qayb galay xaflada, waxaana uu Bashiir sheegay in Cabdiweli uu yahay Murashaxa kaliya ee jagadan hogaamineed khibrad u leh.

Cabdicasiis Faarax Cali waa bare wax ka dhiga Deegaankan Sweden ee dalka Sweden waxaana uu halkaasi ka muujiyay fikirkiisa ku aadan taageerada uu u hayo Murashax Madaxweyne Dr Cabdiweli Gaas.

Murwo Sahra Aadan Maxamed oo ku hadleysay magaca Haweenkii Xaflada kasoo qeyb galay ayaa iyana halkaasi ka hadashay, sheegtayna in Cabdweli Gaas uu mutaystay in lagu taageero hankiisa hogaamineed ee madaxtinimada Puntland.

Asad Bashiir Cabdi oo ku hadlayay magaca Dhalinyaradii kulankan  taageerada Dr Gaas ka soo qayb gashay ayaa isna hadalka qaatay waxaana uu sheegay in isaga ka shaqsi ahaan uu aad u taageersan yahay in Dr Cabdiweli uu noqdo Madaxweynaha Puntland.

gabagabadii xaflada ayaa waxaa micraphone-ka lagu soo dhaweeyayAbwaan Xuseen Cadde oo isna halkaasi ka mariyay tix gabay ah oo uu ku amaanayo Murashax Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Xafladan ayaa waxaa ay kusoo gabagabowday si aad maqsuud looga noqday.
1

2

5

6

7

8

9

10

12

13

14

15

16

17

18

19

20

21

22


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles