Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo dhanbaal hanbalyo ah ka helay dhiggiisa Turkiga‏

$
0
0

Mogadishu, December 23, 2013…… Ra’iisul Wasaaraha dalka Turkiga mudane Rajab Dayib Ardugaan ayaa dhanbaal hanbalyo ah u soo diray dhiggiisa dalka Soomaaliya mudane CabdiweliRaysalwasaraha cusub ok Shiikh Axmed, oo dhowaan loo magcaabay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya. Dhanbaalkan hanbalyada ah ee uu Ra’iisul Wasaaraha Turkigu u soo diray dhiggiisa Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in dowladda Turkigu ay rajaynayso in labada qaran ay sii xoojiyaan xiriirka walaaltinimada iyo saaxiibnimada ku dhisan ee labada ummadood. Mudane Ardugaan ayaa sidoo kale dhanbaalkiisa hanblayada ah  ku sheegay in uu filayo in  xukuumadda uu hoggaamin doono mudane Cabdiweli Shiikh Axmed ay noqon doonto mid ku  guuleysata hawlaha qaran ee loo igmaday iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed, iyo weliba in ay noqoto mid beesha caalamka kala shaqaysa sidii nabad iyo xasilooni loogu soo dabbaali lahaa dalka Soomalaiya

Ugu damayntii waxa uu Ra’iisul Wasaaraha Turkiga mudane Rajab Dayib Ardugaan xaqiijiyey in dowladdiisu ay sii wadayso dadaalada dib loogu dhisayo Soomaaliya, isagoo caddeeyey in ay ka go’an tahay in  xilliyada soo socda  ay la shaqeeyaan dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Warbaahinta Ra’iisul Wasaaraha


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles