Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Maleeshiyadii ka Dagaalamayay Shabeelaha Hoose oo hada Kaarto cusub lasoo baxay

$
0
0

habargidirCDF
Dagaalka Shabeelaha Hoose wuxuu bilowdey bilo ka hor inkastoo Dagaalkii ugu kharaaraa uu bilowdey maalmo ka hor, Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu dagaaladaas ka hadley shan cisho ka dib Dagaalku markuu socdey, xiligaasna wuxuu Madaxweynuhu eed dusha uga tuurey Odoyaasha dhaqanka ee Deegaanka oo uu ku tilmaamey Qaswadayaal Dagaal ooge ah.

Hadaba shalay ayaa Hadal kasoo yeerey Al-shabaab hadalkasoo ah kii baratakool Dowladeed ahaan looga baahnaa inuu kasoo yeero Villa Somalia, laakiin dhinaca kale hadalka kasoo yeerey Al Shabaab waa kaarto kale oo ay lasoo baxeen Kooxda weerarka ku ah maatada iyo Caruurta Shabeelaha Hoose.

Ninka ugu Magacaaban Al-shabaab Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose wuxuu yiri “Dagaalka sokeeye ee Gobolka ka socda talaabo ayaan ka qaadeynaa waxaana kala dhex dhigeynaa Ciidan”.

Maalmahaan waxaa Muqdisho ka socda olole borobogando ah oo lagu jaha wareerinayo Dadka Deegaanka, Beesha Caalamka iyo Umada Soomaaliyeed ee wanaaga jecel, Boribogaandada Muqdisho ka socota maalmahaan ayaa ah in Dagaalka Nr.50 ay Al-shabaab dabada kasoo riixayaan Dadka Deegaanka, hadalkaan ayaa yimid ka dib markii Ciidanka Deegaanku ay u awood sheegteen ciidan beeleedkii Dowladu dabada kasoo riixeysey si shacab masaakiin ah oo Maato u badan looga bara kiciyo Dhulkoodii.

Borobogaandada noocaan ah iyo hadalka kasoo yeerey Al-shabaab ayaa iyana shaki badan abuuraya waayo ninka Al-shabaab u xilsaaran deegaanka wuxuu la Heyb yahay Ciidan Beeleedka huwan magaca Dowlada ee kusoo Duuley Shacabka Soomaaliyeed ee Dega Gobolka Shabeelaha Hoose.

Iskusoo duuboo waxaad moodaa ineysan kooxda kusoo duushey Shabeelaha hoose aysan wali Quusan, Markey ku guul dareysteen hubkii Dowlada ee ay ku xasuuqeen Caruur iyo Haween, kooxdaan ayaa waxay hada lasoo baxeen Kaarto cusub oo ay soo gashanayaan Shaar Al-shabaab.

Puntlandi.com
Kismaayo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Latest Images

Trending Articles



Latest Images