Saxaafadaha Muqdisho ayaa maanta baahiyey in Nin Nabadoon ah lagu diley Xaafada Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo, Warkaas wuxuu ahaa been abuur mana jiro Nabadoon ah ama Qof kale oo Gaalkacyo lagu diley.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yusuf Jamac Tigey oo la hadley Puntlandi Xili uu Gudoomiyuhu kusoo jeedey Garowe wuxuu noo xaqiijiyey in Warkaas uu been abuur yahay.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Xaafada Garsoor oo ah Xaafada la sheegey in Nabadoon lagu diley ayaa goor dhow saxaafada la hadlaya, Wuxuuna cadeynayaa in Saxaafada warxumo tashiilka ah ay been abuurkaas baahiyeen.
Warkaan waxaa markii hore baahiyey saxaafada Muqdisho.
Goordhow ayaan idiin soo gudbineynaa Wareysiga Gudoomiyaha Xaafada Garsoor.
Puntlandi
Gaaækacyo