Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

xaalada Nr.50 oo degan iyo Madaxweyne Xasan shiekh oo qaylo afka ku shubtey markii la jabiyey Maleeshiyaadkii Xireyd tuutaha DF

$
0
0

habargidirCDF
Mudo bilo ah ayaa Dagaal Xoogan oo lagu eedeynayay iney ka dambeeyaan Ciidanka Dowladu uu ka socdey Gobolka Shabeelaha hoose, iyadoo bishii hore dagaalka ugu culus uu dhowr jeer dhaceen Deegaankaas, xiligaas Ciidan beeleed huwan magaca dowlada ayaa dhowr jeer Xasuuq geystey, Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan sheikh marna kama hadlin Xasuuqa ay geysanayaan Ciidanka Dowlada.

Hadaba dagaalkii u dambeeyey ee todobaadkaan ka dhacay Nambar 50 wuxuu ahaa mid Ciidanka Deegaanka lagusoo duuley ay iska baaciyeen Maleeshiyaadkii watay tuutaha Dowlada, waxayna Ciidanka Deegaanku la wareegeen dhamaan Deegaanada Nr.50, Madaxweyne xasan Sheikh wuxuu Dagaalkaas ka dib ku baaqay in Dagaalak al joojiyo arintaasoo ka careysiisey Odoyaasha Shabellaha hoose oo u arkey in Madaxweynuhu uu hadal bilaabay markii la jabiyey Ciidankii laga soo abaabuley Muqdisho.
Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu Qaswadayaalæ ku tilmaamey Odoyaasha biyamaal oo bilihii lasoo dhaafey ku dhawaaqayay in lagusoo duuley, oo uu ku eedeyey iney iyagu dagaalka oogayaan.

Hada Xaalada Deeganka Nr.50 Waxaa gacanta ku haya ciidan ka kooban Dadka Deegaanka, aad ayuuna jawigu u degan yahay,
Hoos ka daawo Qayla dhaanta Madaxweyne Xasan sheikh


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles