Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Breaking News–Warar aan ka helney dhinaca Madaxtooyada oo iyana dhinacooda noo sheegey sababta keentey in shirka lagu kala kaco

$
0
0

Warar hoose oo Howlwadeenada Pubtlandi ay ka heleen dhinaca Madaxtooyada Puntland ayaa nooga warameey sababta keentey in lagu kala kaco kulankii Madaxweynaha iyo Murashixiinta saaja uga furmey Xarunta Madaxtooyada.

Kulanka ayaa Murashixiintu waxay soo hor dhigeen afar Qodob oo kala ah..

1- In Gudiga Khilaafaadka ee Madaxweynuhu Magacaabey qayb looga daro xubno matalaya Murashixiinta oo la isku dhafo.

2- In la sameeyo Gudi Isimo ka kooban oo gudiga khilaafaadku hoostagaan.

3- In lasameeyo Gudi kale oo kor kala socda sida Doorashadu u socoto iyo shaqada ay wadaan Gudiga Khilaafaadka.

4- In Doorashada ay goob joog ka ahaadaan xubno ka socda Beesha Caalamka.

Hadaba Sida aan warka uga helney Illo lagu kalsoon yahay oo Madaxtooyada ku sugan, Waxay noo sheegeen in Madaxweynuhu uu ogolaadey Sadaxda qodob ee u dambeeya afarta qodob lakiin wuxuu ku adkeystey in aan wax laga badalin Gudiga uu isagu magacaabey.

Sida aan warka ku helney Madaxweynuhu wuxuu Miiska soo saarey Cadeymo cadeynaya in FDoorashooyinkii lasoo dhaafay ay Madaxweynayaashii isaga ka horeeyey ay Magacaabeen Gudiga Khilaafaadka, Khilaafkii noocaan ahaa ee ka dhasheyna siyaabo kale lagu xaliyey.

Dhinaca kale sida aan warka ku helbey Madaxtooyada ayaa goor dhow Shir jaraa’id lagu qabanayaa kasoo Looga hadli doono sida saaka wax u dheceen.

Puntlandi.com
Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles