Beri waxaa Baarlamaanka horyaal Mooshin ka dhan ah Raysal wasaaraha, Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka ayaa barnaamijkaan kaga doodaya Mooshinka, waxay xildhibaanadaan cadeynayaan in mooshinku uu yahay mid sharci daro ah oo lag keeney Villa Soomaaliya, dhinaca kale mooshinka waxaa saxiixey Xildhibaano dalka ka maqan oo Warqad lasoo Scan-gareeyey ku saxiixey tasoo sharci daro ah, Waxaa kaloo Mooshinka saxiixey Xubno ka tirsan Golaha wasiirada taasoo macneheedu yahay, hadii xubin ka id ah Baarlamaanka uu wasiir ama Wasiir ku xigeen yahay waa sharci daro inuu saxiixo mooshin ka dhan ah Xukuumadiisa.
↧
Dhagayso Barnamij ka hadlaya mooshinka Raysal wasaaraha oo lagu cadeynayo in Xildhibaano aan dalka joogin ay saxiixeen mooshinka
↧