Warar rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen, Waxaa Garowe, Kismaayo iyo Muqdisho ka bilaabanaya caawa kulamo wadatashi oo gooni gooni ah, kuwasoo ay Masuuliyiintu la qaadanayaan Qaybaha Bulshada iyo Isimada.
Garowe
Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu caawa kulamo wadatashi la qaadanayaa Siyaasiyiinta Ururada Bulshada iyo Odoyaasha Dhaqanka, Waxayna ka wada arinsanayaan Xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya, kadibna beri wuxuu la kulmayaa Baarlamaanka.
Wararka ay Puntlandi.com ay helayaan, Madaxweyne Deni wuxuu ku dhawaaqayaa in Madaxweyne Farmaajo uu aysan ahayn Madaxweynaha Dalka ayna Puntland kala laabatay Aqoonsigii Madaxweyne, waxayna Puntland Xiriirka si toosa ugu jaraysaa Maamulka Farmaajo, Puntland waxay kaloo ku dhawaaqayaa in Soomaaliya isugu timaado Shirweyne lagu dhisayo Xukuumad Cusub oo Soomaaliya yeelato.
Kismaayo
Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) wuxuu isaguna Caawa bilaabayaa kulano wadatashi oo la yeelanayo Siyaasiyiinta iyo Odoyaasha Dhaqanka, sida aan Xogta ku hayno, Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu Axada ku dhawaaqayaa in Dalku uusan lahayn Madaxweyne iyo Xukuumad.
Muqdisho
Isniinta 19 Abril waxaa Muqdisho ka dhacaya Shirweyne ay yeelanayaan Beesha Hawiye, Waxaa kulankaas ka qayb galaya , Siyaasiyiinta, Ururada Bulshada, Saraakiisha Ciidamada, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabele.
Kulanka waxaa looga arinsanayaa Xaalada Dalka, waxaana la isku dayayaa in Beesha ka midowdo Qaab siyaasadeedka hada Dalku ku jir iyo sidii ay isku mowqif uga qaadan lahaayeen Beesha.
Kulamadaan Sadexda Magaalo ka bilaabanaya ayaa looga gol leeyahay inay kasoo baxaan go’aamo Jawaab cad u noqonaya Go’aankii uu Madaxweyne Farmaajo ku kororsadey Labada Sano, waxaana Qorshuhu yahay in Talaabada la qaadayo ay noqoto mid aan wakhti dheer qaadan oo lagu mideysan yahay si Dalku uu durba ugusoo laabto Wadadii uu Afar sano ka hor ku taagnaa iyo Abaabul Doorasho dadban oo deg deg ah.
Wararku waxay kaloo sheegayaan in ilaa shalay ay socdeen Wadatashiyo u dhexeeya Beesha Caalamka iyo Sadexdaan Magaalo.
Puntlandi.com Muqdisho

The post Breaking News— Puntland, Jubbaland iyo Beelaha Hawiye oo go’aan ka gaaraya Madaxweyne Farmaajo, Shirar wadatashi oo bilowdey appeared first on .