Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Beesha Caalamka oo ogaatay in Qoorqoor, Laftagareen iyo Cali Guudlaase ay qayb ka yihiin Fashilinta Doorashada

$
0
0

Warar Dublamaasiyadeed oo Warbaahinta Puntlandi heleen, Beesha Caalamku waxay hayaan cadeyn in Madaxda Federaalka iyo Sadexda Maamul Goboleed ee la socdaa ay si cad uga caga jiidayaan Wadahadalada Doorashada.

Sadexdaan Maamul Goboleed ayaa kulan ay Beesha Caalamku la yeesheen Xalay waxaa la hordhigay Cadeymo muujinaya in Madaxweyne Farmaajo uu qorsheeyey in Shirkii shalay la fashiliyo, iyo in Xukuumadu aysan diyaar u ahayn Doorasho, taas badalkeedana ay ku howlan yihiin Wakhti Kororsi, Maamuladaana waxaa lagu eedeeyay inay qayb ka yihiin isku dayadaas.

Beesha Caalamku waxay hoosta ka xariiqdey in Sadexdaan Maamul ay noqon doonaan Qaswadayaal laba wajiile ah hadii aysan Miiska Wadahadalka kusoo laaban iyagoo Xor ka ah Madaxda Dowlada Federaalka.

Warar waxaa jira sheegaya in Beesha Caalamku ay baaritaan ku sameeyeen qaabkii uu kusoo dhamaadey Shirkii Afisyooni ee Shalay oo Arbaco ahayd.

Waxba kana jiraan wararka sheegaya in Madaxdaan la saaray Xanibaad Socdaalka ah Laakiin waxaa lagula taliyay oo qura inay miiska Wadahadalka iskasoo xaadiriyaan, si ay ugabadbaadaan Cunaqabatayn dhanka Beesha Caalamka uga timaada.

Puntlandi.com Muqdisho

The post Beesha Caalamka oo ogaatay in Qoorqoor, Laftagareen iyo Cali Guudlaase ay qayb ka yihiin Fashilinta Doorashada appeared first on .


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles