21-kii November 1876-dii,Shalay oo kale waxa ay ku taagan tahay markii la jabiyey ciidamo aad u faro badnaa oo ka tirsanaa gumeysigii Talyaaniga oo ka soo degay xeebta magaalada Marka Cadeey.
Dagaalyahano ka tirsan beesha Biimaal oo ay horkacayeen labaddii hogaamiye ee xiligaasi ugu caansanaa oo kala ahaa Allah u naxariistee Macalim Kabtooli iyo Sh Cabdi Abiikar Gaafle ayaa difaacyo adag waxa ay ka sameysteen xeebaha magaalada Marka si ay ugu hortagaan gumeysigii Talyaaniga oo doonayey inay cagta soo dhigaan dhulkii ay ka talineysay Saldanadii Beesha Biimaal. Gumeysigii Talyaaniga oo adeegsanayey xeeladihii military ee xiligaasi ugu casrisanaa waxa ay weerarkooda magaalada Marka ku soo qaadeen kaga yimaadeen laba aag.
Dhinaca xeebta oo maraakiibta dagaalka madaafiic ku soo garaacayey magaalada ka dibna ciidamo boqolaal ku soo daadiyey xeebta iyo dhinaca beriga oo ay ka soo galeen dhinaca magaalada Muqdisho. Shir deg deg ah duhurnimadii 21- November 1902 waxa isugu yimid deegaanka Hareerley (Hareerley waxay aheyd xaruntii ugu weyneed ee taliska ciidmada Biimaal) hogaamiyaashii beesha Biimaal waxa ayna isla qaateen dagaal loogu hortago gumeysiga dhulkooda soo galay. isla maalintaas waxa ciidamo loo kala diray xeebaha magaalada Marka iyo deegaanka Lafoole si loo hor istaago ciidamadii gumeysiga. waxaana halkaani si buuxda ugu bilowday dagaalkii mudda dheer socday ee loo yaqiinay “THE BIIMAAL REVOLT”
Buugaag taariikhda dagaaladaasi ka hadlaya ayaa laga qoray oo maanta laga heli karo Libraryada dunida. Waxa xusid mudan sida wararku aan ku heleyno in maanta magaalada Marka shir ay isugu yimaadeen Golaha Guurtida Beesha Biimaal ay kaga hadlayeen xuskani, iyaga oo ka codsaday maamulka magaalada Marka Cadeey in waxii maanta ka bilowda 21 November loo aqoonsado maalin Qaran oo lagu xusayo halyeeyadii dalka u soo dhintay. Iyaga oo Guurtida Biimaal isku raacay si gaar ah deegnada beesha Biimaal laga xuso maalinkan taariikhiga ah. waxa ayna isku raaceen in Schoolada deegaanka gaar ahaan magaalada Marka la fasaxo sanadkasta 21 November si jiilka cusub loo baro taariikhda ay leeyihiin.
Halkan hoose ka daawo siyaasi Dr Saadaq Eenow oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku takhasusay cilmiga caafimaadka, PHd-na ka sameeyey history-ga isaga oo ka hadlaya dagaalkii Biimaal iyo Talyaaniga:
Dagaalkaas intii uu socday taariikhihii ugu caansanaa waxa ka mid ah
Reer jannow waa jidgaleen === People of heaven, have found their way.
Reer jaxiimow iska jooga ==== people of hell, stay where you are.
Sep. 1904 Waxa Cigale iyo agagaarka Markaba qabsaday Talyaaniga; wuxuuna Cigale ka dhistay Sariibad. Ka dib marki Cigale Talyaaniga qabsaday hogaamiyaashii Biimaal waxa ay isugu tageen magaalada Mooyaale (Galbeedka Laantabuuro) si ay xaalada cusub ee soo korortay ugu wada tashan lahaayeen.
Intii aan Cigale laga qabsan, Biimaal waxa ay mar walba ku kalsoonaayeen awoodooda ciidan iyo dhaqaaleba; hase ahaatee dagaalkaas wuxuu tusay hubka ee Talyaanigu isticmaalayey in aanay u babac dhigi karin, ilaa ay helaan hub u dhigma. Sidaas darteed shirkii Mooyaale hogaamiyaashii Biimaal waxa ay ku go’aamiyeen in ay 500 oo nin oo isugu jiray dagaalyahano iyo culimo u diraan Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, si ay ugu so helaan kaalmo hub iyo ciidan. Arrinta kaalmo weydiisiga ma aheyn mid sahal ku ah nimankii Biimaal oo hankooda iyo awoodooduba aad u sareysay. Raggii ciidamadaas (Sayidka aaday) hogaaminayey waxa ka mid ahaa Malaaq Cabdi Juray, Sheikh Jamaal Macallin Xasan, Maxamed Mursal iyo Bilow Ageede. Waxaan la sheegay in ciidankaas Sayidku soo siiyey 300 oo qori. waxa sidoo kale la sheegay in Daraawiishta Banaadir (Koonfurta) gaar ahaan Biimaal ay Sayidka iyo Daraawiishta u geyn jireen hadiyaddo ay ka mid ahaayeen dharka, Alindiga ah oo waayadii dambe loo yiqiin Banaadiri iyo alaabooyin kale.
1904 Biimaal iyo Talyaaniga ayaa dagaal dhex maray, dagaalkaas oo Biimaal kaga soo horjeeday in Talyaanigu u gudbo dhulka xeebaha ka baxsan ( Shabeelaha Hoose) ee Biimaalku ka talin jiray. Talyaanigu wuxuu ku andacoonayey, inaanu dhulka Biimaal xukumo dan ka laheyn, ee uu u gudbayo
meelaha deegaank ka baxsan. Dagaalka Talyaaniga iyo Biimaal wuxuu socday muddo aad u dheer Saldanadii Biimaal waxa ay aheyd midda ugu magaca dheer dhulkii loo yiqiin ” Italian Somaliland”.
Halkan ka dhageyso/Daawo Sheekh Nuur Geelle oo ah Caalim dhulka Soomaalida gaar ahaan Koonfurta Somalia aad loogu yaqaano oo ka hadlaya dagaaladaasi