Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Kulan Gargaar loogu Ururinayo Dadka ku waxyeeloobay duufaanta ku dhufutay Puntland oo Amstardam ka dhacay

$
0
0
Kullan wax loogu aruurinaayey  dadkii ay halkaysay Dhibaatadii  baaxda wayneed ee ka dhacaday Puntland ayaa waxaa lagu qabtay  Magaalo madaxda Holland  ee Amsterdam.
Kullan-kaan ayaa waxaa soo abuubulay  Ururadda Iftin,Somvo,Sonppcan iyo waliba Tv-ga Qaran ka oo u qaabilsana Arrimaha wacyi galinta  iyo baarujinta ayaa waxaa lagu qabtay magaalo madaxda Amsterdam ee waddan ka Holland.
waxaa ka soo qayb gallay Ururo,Aqoon yahan,Haween, dhallinyaro,Siyaasiin uu ka mid yahay Wasiir kii hore ee macdanta iyo Biyaha Eng.Ahmed Mohamud Xandulle.
Eng.Xandulle ayaa u tacsiyey dadkii kuw ax yeeloobay asaga oo sheegay in aysan dhib ku gaarin kaliya Deegaannad Puntland ee uu dhib kaa la mid ah uu gaaray  Gobolka Shabeelada dhexe,Wuxuu yiri” aad baan ugu tacsiyeynayaa dhamaan ummadda Soomaaliyeeed ee dhib ku gaaray,waxaana lee yahay  Alle Cawil khayr qaba ha idin siiyo,Ummadda Soomaaliyeedna waxaan ugu baaqayaa in ay ka qayb qaataan caawinta walalohooda dhibku gaaray ayuu hadalkiisa ku soo gabo-gabeeyey.
Dadkii ka hadlay waxaa kaloo ka mid ahaa Gudoomiayaha Hay’adda Iftin Marwo Raaxo geesay,Gudoomiyaha Jaaliaydda Somvo Dr.Cali Cabdi Awaare  iyo garyaqanad Shamso Sh xassan, dhamaan dadkii kullan-ka soo qayb galay ayaa waxaa wajiyadooda laga dareemaayey Murugo sida ay uga xun yihiin dhibkii gaaray walaalo-hood.
Dood-dheer ka dib, ayaa waxaa la isku waafaqay in Gobolkasta dadka daggan iyo Ururka ka jira in uu iskiis isku xilqaamo,ka-dib-na uu ka gaarsiiyo  dhibka gaaray dadkii Duufaantu ay halakaysay.
Kullan-kaan ayaa ahaa kii ugu horeeyey ee la isugu yimaado tan iyo markii ay dhacday Musiibadii ka dhacday Xeebaha Puntland.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Latest Images

Trending Articles



Latest Images