Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Go’aankii Faroole wuxuu ahaa mid taariikhi ah, maxaase la gudboon shacabka Puntland(+Video)

$
0
0

Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. cabdiraxamaan Sheiikh Maxamed ayaa maanta gaaray go’aan taariikhi ah, ka dib markuu Madaxweynuhu wada tashi la sameeyey Golayaasha Dowlada iyo saraakiisha amaanka, ka dib markuu Madaxweynuhu dareemay sida loogu heelan yahay in laga faaiideysto shacabka Puntland dhexdooda, ka dib markuu Madaxweynuhu dareemay in la doonayo in Amaanka shacabka khatar la galinayo, kadib markuu Madaxweynuha isagoo kaashanaya hay’adaha sirdoonka Puntland la ogaadey iney jiraan shaqsiyaad aan dan ka lahayn amaanka shacabka kuwasoo u adeegaya gacmo shisheeyo wuxuu Go’aan sadey in hakad lagaliyo Nidaamkii Doorashooyinka Goloyaasha deegaanka Puntland.

Go’aanka Madaxweynahu gaarey ayaa siyaasiyiin badan ku tilmaameen mid geesinimo xambaarsan iyadoo Madaxweyne Faroole uu dhagaystey Talooyin badan oo ku aadan Dareenka shacabka Puntland sida ay ugu heelan yihiin in loo gudbo Nidaamkaan balse ay jiraan kacdoon ay abaabuleen dad aysan iyaga dani ugu jirin Nidaamkaan kuwasoo doonaya in Puntland ay gacanta ugu jirto Odoyaal iyo Siyaasiyiin gaara, Go’aankaan ayaa siyaasiyiin badan ku tilmaameen mid taariikhi ah, Wax badana laga baran doono.

Puntland waxay caan ku tahay in Carqabad walba oo siyaasadeed Xal loo helo, Isimada Puntland waxay caan ku yihiin Go’aan qaadashada iyo dhagaysiga shacabka,iyo iska illaalinta fara galinta siyaasada, waxaase xusid mudan in ay jiraan Odoyaal dhaqameedyo ka dhex shaqeeya ismida iyo Siyaasiyiinta tasoo marmar dhalisa iney Wadanka soo wajahaan Carqabado adag oo dhaliya khasaare nafeed, waxayna Puntland caan ku tahay in mar walba Xal loo helo arimahaan oo kale.

Waxaa Xaqiiq ah inay jiraan Cadow badan oo heegan ugu jira burburinta Puntland kuwasoo isku daya inay ka dhex faa’iideystaan gudaha Puntland, lakiin taariikhda iyo habdhaqanka Isimada iyo siyaasiyiinta Puntland ayaa had iyo jeer caqabad iyo niyad jab ku noqota dadka noocaas ah.

Waa Wax laga naxo lagana xumaado in shacab Puntland ahi ay ku nafwaayaan loolanka siyaasadeed sidii qisooyinkii maanta ka dhacay Qardho, Waxaa kaloo xusid mudan dhawaca iyo dhimashada soo gaara Ciidanka, Xalkusu wuxuu wanaagsanaanayaa markii la eego go’aanka ay qaataan siyaasiyiintu, goøaanka Madaxweyne Faroole wuxuu ahaa kii saxda ahaa wuuna ku amaanan yahay, lamana dafiri karo.

Waxaan sugaynaa hada Go’aanka qolyaha kasoo hor jeedey Nidaamka Xukuumadu waday, Mar hadii la qaatey taladoodii, maxaa la gudboon iyaga.

Waxaa Qorey Axmed Yare

Hoos ka daawo Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Faroole oo ka hadlaya go’aanka uu qaatay


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles