Dagaalka siyaasadeed ee ka socda Magaalada Muqdisha ayaa iminka noqoday mid banaanka yaal ka dib markii Mooshinkii isu badalay dagaal siyaadeed oo u dhexeeya Baarlamaanka iyo Xukuumada, Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa weerar afka ah wuxuu ku qaaaday Madaxweyne Farmaajo isagoo Gudoomiyhu uu banaanka soo dhigay waxyaabihii ay ku wada hadlwwn isaga iyo Madaxweynaha.
Hadalka Gudoomiye Jawaari ayaa muujinaya in Madaxweynuhu uu isku dayay in uu ku cadaadiyo Gudoomiye Jawaari in uu iscasilo balse taas si caro leh ayuu Jawaari ugu jawaabay Madaxweynaha.
Wararka caawa la helayo waxay sheegayaan in Gudoomiye Jawaari uu isu diyaarinayo inuu iska difaaco weerar walba oo uga yimaada Dhinaca Xukuumada, Ilo aad ugu dhow Gudoomiye Jawaari ayaa Puntlandi u sheegay in Gudoomiyuhu aah maanta aad uga carooday Madaxweynaha, uuna dareemaymin uu Madaxweyne Farmaajo uu si toosa ula saftay Raysal wasaaraha.
XaaladaMuqdisho ayaa caawa aad kacsan waxaana magaalada buux dhaafiyey Ciidamo kala duwan oo labada dhinac kala taageersan.
Puntlandi
Muqdisho