Saint.Paul MN,USA: Waxaa xaflad aad loo soo agaasimey loo qabtey xarunta Jimmy Lee gabdhahii Soomaaliyeed ee Age : 14 Kubadda Cagta(Soccer) magaaladda St Paul ee Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka kuwaas guul ka soo hoyiyey hoyaalkii Kubadda cagta ee gabdhaha da´doodu tahay Age:14 oo socdey muddo 3 Bilood ah(Ogosto-Oktober) kaas oo ay ka soo qayb galeen kooxo badan. Gabdhahan da´doodu tahay Age: 14 ayaa waxay noqdeen ku aan marnaba laga filey cayaaraha iyo farsamooyinka ay soo bandhigeen taas oo filanwaa ama wax la yaab leh ku noqotey madaxdii horyaalka maamuleysay ka dib markii ay arkeen in aan marnaba laga badin ilaa ay Finalka yimaadeen oo ay kaalinta 2 galeen ayadoo ay ciyaartii looga badiyey ahayd ciyaar adag oo 90 kii daqiiqo ay 0=0 isku mari waayeen kooxdii ka soo horjeedey lagu darey 30 daqiiqo extra-time ah oo si ay filin waayeen Gool looga dhaliyey halkaas oo ay kaalinta labaad galeen .Horyaalkan ayaa la yiraahdaa . 2013 Saint Paul U14 Girls Soccer League waxaana qabata xarunta Saint Paul Parks and Recreation.
Kooxdan Gabdhaha ee Soomaaliyeed iyo Gabdho East African ahba oo da´doodu u dhaxeyso 8-18 ciyaarana Kubadda Cagta iyo Kubadda Gacanta(Soccer & Basketball) ayaa waxaa tababare u ah tababare Fartun Osman oo ilaa muddo 10 sanno ka badan ku dhex jirtey inay horumar gaarsiiso, waxaana dhinaca Garoomadda lagu ciyaaro iyo Qalabka ciyaaraha ka caawiya Jimmy Lee Company oo intii sannado ahba oogu deeqyey. .Xafaladan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Jimmy Lee Company si uu ugu mahad celiyo Gadhaha ciyaartooga ah iyo Tababare Fartun Osman oo guul sare gaarey waxaana lagu abaal mariyey Bilado ayagoo hore u soo qaatey koobkii kaalinta labaad.
sidoo kale waxaa lagu marti qaadey waalidiinta dhashey Gabdhaha Ciyaartooga ah kuwaas oo aad ugu farxey heerka iyo meesha ay marayaan Caruurtoodii, waxaana ka mid ahaa waalidiinta ka soo qayb gashey Xildhibaan Cabdicasiis Sheekh Yusuf horena u ahaan jira Dowladii Cali-geedi iyo Cabdiweli-gas Wasiirka Caafimaadka DFS kaas oo amaan iyo dhiiri gelinba u jeediyey Tababare Fartun Osman iyo gabdhaha ay barbaariseyba oo ay ku jiraan kuwa uu dhaley Xildhibaanku,waxaa asaguna ka hadley Aqooyahan Samo-kaab Cabdulkadir Haji Hussien oo ka jeediyey kalmado uu ku dhiiri gelinayo Gabdhaha Ciyaartooyga ah iyo waalidiinta dhasheyba, sidoo kale waxaa ka hadley Aabayaal iyo Hoyooyin kale oo sidoo kale ku faraxsan heerka iyo meesha ay joogaan Ubadkii ay dhaleen.
Dhinaca kale waxaa ka soo qayb galey Telefishano iyo Wargeysyo lagu qoro (Somali&English) ka soo baxa magaalada Minneapolis MN, USA. Guud ahaan xafladii loogu tal galey Ciyaartooga Gabdhaha Kubadda Cagta , tababare fartun Osman iyo Waalidiintii gabdhaha waxay ku soo dhamaatey farxad iyo damaashaad ayagoo is kula balamey inay la sii labo jibaaro daadaalka.