Dowlada Maraykanka ayaa joojisay gabi ahaan kaalmadii ay siinayeen Ciidanka Dowlada Federaalka Soomaaliya kadib markii ay ogaadeen in Musuqmaasuq xoogan loo geystay mushaaraadkii iyo cuntadii ay ugu tala galeen Ciidanka Soomaaliya.
Warar lagasoo xigtey Maraykanka ayaa sheegey in qaar kamid ah Ciidamada kale ee Soomaaliya aan iyaga laga jarin kaalmadaas, oo Ciidanka hoostaga Dowlada Federaalka oo qura ah Maraykanku joojiyeen kaalmadii dhaqaale iyo cunto ee ay siin jireen.
Sargaal Maraykan ah ayaa sheegay in Dowlada Federaalku ay horey u diiday iney la wadaagto Maraykanka qaabka mushaarka ay u siiyaan ciidanka kadibna ay Maraykanku bilaabeen baaritaan iyaga ugaara kasoo ay ku ogaadeen in lacagta iyo cuntada ay Ciidanka Dowlada ugu yalagaleen ay marts wado kale oo la musuqmaasuqo, taas ayaa keentey in Maraykanku uu durba hakad deg deg ah galiyey gabi ahaan kaalmadey siin jireen Ciidanka Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Puntlandi
Nairobi