Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdi Weli Maxamed Cali ayaa tacsi u diray ehelada, qaraabada iyo dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Cawad Axmed Cashara oo ka mid ahaa Aasaasayaasha Puntland.
Cashara ayaa sido kale soo noqday Xildhibaan ka tirsan dawlada Federaalka Soomaaliya, waxaana sido kale uu ka mid ahaa ururiyaasha taariikhda Soomaaliya.
Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sido kale ka tacsiyeeyay geerida Marxuumka.
www.puntlandi.com.