Madaxweynaha Dalka Ugandha Yuweri Museveni ayaa Dowlada Maraykanka wuxuu u sheegey in Xukuumadiisu ay diyaar la tahay iney Askartooda ka joogta Soomaaliya ay ku kordhiyaan 5000 Shan kun oo Askari, asagoo ku xirey hal arin.
Kulan uu Madaxweyne Museveni la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka u qaabilsan Arimaha Afrika Mr. Donald Yamamoto, (the acting US assistant secretary of state for African affairs) ayaa arintaan kusoo hadal qaadey iyadoo Museveni uu Sharuud uga dhigay in Beesha Caalamku ay marka hore balan qaado iney bixinayaan kharashaadka Askarta iyo Qalabeyntooda.
Inka badan 6520 oo AskarvUgandheys ah ayaa hada waxay ku sugan yihiin Muqdisho iyo nawaaxigeeda waxaa Magaca Soomaaliya ku Biila Beesha Badankooduna waxay ilaalo ka yihiin Xeyndaabka Xalane iyo Garoonka Diyaaradaha Aaden Cada International, ogowna Dhaqaalaha ku baxa Amisom waxay kamid yihiin dhaqaalaha aad maalin walba maqashaan ee la yiraahdob Soomaaliya Waxaa intaas oo Milyan ugu deeqay Wadan Hebal ama Urur Hebal Sida Midowga Yurub.
Puntlandi
Nairobi