Wasiirka Warfaafinta maamul goboleedka Galmudug Maxamuud Aadan Aw-cismaan, ayaa sheegay in Galmudug ay tageersan tahay Xulufada Sucuudi Carabiya, isla markaana ay ku biirtay maamulada kale ee Soomaaliya.
Maxamuud Aadan Aw-cismaan, ayaa sheegay in shirkii Madasha Qaranka ee Muqdisho ka dhacay ay Madaxdu iskula soo qaadeen qadiyada ka taagan bariga dhexe, sido kalena ay istuseen aysan suuragal ahayn in dhexdhexaad laga noqdo arrintan.
Wasiirka Warfaafinta maamul goboleedka Galmudug Maxamuud Aadan Aw-cismaan, ayaa sheegay in dano badan ay Soomaalida kaga xiran yihiin wadamada Sucudiga iyo Imaaraatka, isla markaana ay dani ugu jirto Ummadda Soomaaliyeed.
Maxamuud Aadan Aw-cismaan, ayaa sheegay inay matayaal shacabka ay Madaxda u yihiin, ayna Maslaxad u arkaan go’anka ay qaateen.
Hoos Ka Dhagayso Waraysi Uu Wasiirku Siiyay Idaacadda Codka Maraykanka;-
www.puntlandi.com.