Gaalkacyo (Puntlandi.com) Guddoomiyaha gobolka Mudug, xasan Maxamed Khaliif (Abgaalow), ayaa sheegay inaysan suurtagal ahayn in Galmudug shacabkeeda lagusoo dhoweeyo degaanada Puntland, xoolahooda oo waraabiyo, Geelahooda looso celiyo iyo inay hadana duulaan ku yihiin shacabka Puntland.
“Ninkii wuxuu yidhi, ” Ma anigaa waalan mise Cadan ayaa laga heesayaa, Ana Doraad waxaan suoo celinayay geelahooda, dadkoodiina guryahoonii ayay joogaan oo waan waraabinaynaa, iyagiina waana dilayaan, nabadii lagu baaqaynaa idaacadaha ayay ka sheegaynaa inay burburtay, Marka dadka reer Puntland waxaan u sheegaynaa inay udiyaar gaboonaan nabad iyo difaac,” ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Mudug.
Guddoomiye Abgaalow waxaa uu sheegay duulaanka ay Galmudug kusoo qaaday Puntland inuu yahay duulaan qaawan oo wayaahaan socday islamarkaana lagu burburiyo nabad galyada ka jirta gobolka Mudug.
Dhinaca kale, Odayaasha iyo waxgaradka magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay u sheegay dowladda Puntland inay sidii caadada u ahayd ay Galmudug burburisay wada hadaladii iyo heshiisyadii nabadeed ee magaalada Gaalkacyo lagu kala saxiixday.
Halkaan ka dhegayso codadka.
Puntlandi.com