Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Breaking — Xog Dheere ah oo aan ka helnay Dowlada Federaalka oo Itoobiya ku wareejisay Saraakii ka tirsanaa ONLF

$
0
0

Saraakiil ka tirsan Dowlada Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa Puntlandi u xaqiijiyey in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay Sirdoonka Itoobiya ku wareejiyeen Sargaal ka tirsan Masuuliyiinta Jabhada ONLF, kasoo maalmihii lasoo dhaafay ku jiray gacanta Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Sargaalka oo lagu Magacaabo Cabdi Qalbi Dhagax ayaa todobaadkii hore waxaa lagu qabtey Gobolada Dhexe kadibna waxaa loosoo wareejiyey Muqdisho, Sida Wararka ay ku hayaan howlwadeenada Puntlandi waxay Dowlada Federaalku ku wareejiyeen Saraakiil Itoobiyaan ah, Qalbi dhagax waxaa Diyaarad Helikoptar ah looga qaadey Muqdisho waxaana loo duuliyey Baydhabo halkasoo ay Dowlada Itoobiya kula Wareegtey.

Sargaal ka tirsan Jigjiga ayaa Puntlandi u sheegey in Qalbi dhagax durba loosoo duuliyey Itoobiya uuna hada ku xiranbyahay Nawaaxiga Magaalada Goday.

Sargaalkaan ka tirsanaa NNLF ayaa kamid ahaa Saraakiisha Jabhadaas ee Dowlada Itoobiya ay aadka uvraadinaysay.

Puntlandi
Jigjiga


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles