Kulan Degdeg ah oo Golaha Wasiirada Maamulka Soomaaliland isugu yimaadeen uuna Shir gudoominayay Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa Soomaaliland ay go’aan uga qaadatay Khilaafka ka dhex aloosan Wadamada Khaliijka.
Qodob kamid ah qodobadii lagu go’aamiyey kulanka ayaa sheegaya in Soomaaliland ay si buuxda u garab istaagtey Wadamada Sacuudiga iyo Emaaraatka sidaas awgeedna ay Soomaaliland jartey Xiriirkii dublamaasiyadeed ee Qadar.
Golaha Wasaiirada Soomaaliland waxay kaloo go’aan ku gaareen in hawadoodada ay ka xirteen Diyaaradaha Qadar noocay doonaan ha ahaadeene.
Go’aankaan ayaa yimid xili ay Wadamada Sacuudiga iyo Emaaraadka ay Xiriirkii dublamaasiyadeed u gooyeen Wadanka Qadar, isla markaasna Sacuudiga ayaa wadamo Carbeed oo dhowra waxay ku cadaadiyren inay iyana Xiriirka u karaan Qadar.
Dowlada Qadar ayay Sacuudiga ku eedeynayaan iney taageeraan ururada Argagixisada.
Dowlada Federaalka Soomaaliya iyagu waxay sheegeen iney xiisada khaliijka ka gaabsanayaan oo aysan Cidna la safaneyn, waxaana soo jeediyeen in deg deg xaalada loo dajiyo.
Halkan ka akhriso warmurtiyeed ka soo baxay maamulka Somaliland
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Puntlandi.com
Hargeysa