Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa u dhoofay Dalka Talyaaniga halkaasoo uu kula kulmi doono masuuliyiinta ugu sareeya Dalka Talyaaniga.
Safarka Madaxweynaha Waxaa ku weheliya ugu yaraan 25 Xubnood oo ay kamid yihiin Wasiirka Arimaha Dibada, kan Maaliyada , kan Difaaca, Adeegga Bulshada iyo Xubno ka socda Xafiiska Madaxweynaha.
sida Qorshuhu yahay Madaxweynuhun wuxuu la kulmayaa Raysal Wasaaraha Talyaaniga, wuxuu kaloo la kulmayaa Wasiirka arrimaha dibadda iyo kan difaaca, isagoo Madaxweyne Xasan Sheikh intaas ka dib uu khudbad ka jeedin doono Jaamacad ku taal Magaalada Rooma.
Safarka Talyaaniga ka dib Madaxweynaha iyo Wafdigiisu waxay u dhoofayaan Washington DC.
kala soco Puntlandi safarka Madaxweyne Xasan Sheikh.
Puntlandi.com
Brussels