Ilo aad ugu dhow Madaxweyne Farmaajo ayaa Puntlandi u sheegay Xog ku saabsan Raysal wasaaraha Cusub ee Soomaaliya.
Xogtu waxay tibaaxaysaa in Raysal wasaaraha cusub uu noqon doono nin kasoo jeeda Beesha Sacad ee Habar gidir.
Labada nin ee Miiska saaran ayaa waxay kala yihiin Cabdinaasir Cabdille Maxamed oo kamid ahaa Murashixiintii la tartamayay Madaxweyne Farmaajo.
Ninka labaad waa Taliyihii hore ee Nabadsugida Axmed Macalin Fiqi.
Xogta ay Puntlandi Helayaan waxay aad u tilmaameysaa in Raysal wasaaraha Cusub uu noqon doono Cabdinaasir Cabdille Maxamed, Halka Rajada Fiqi jaaniskiisu uu aad u hooseeyo.
Waa kuma Cabdinaasir Cabdille.
Cabdinaasir wuxuu ku dhashay Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, Waxbarashada Dugasiga Sare wuxuu ku dhamaystey Soomaaliya.
Cabdinaasir wuxuu kamid yahay Qurbajoogta Soomaaliyeed ee Maraykanka, wuxuu Jaamacad ugasoo baxay North Corolina Dalka Maraykanka.
Sanadihii lasoo dhaafay wuxuu ku sugnaa Soomaaliya, halkaasoo uu ka ahaa Ganscsade, Waxaa lagu tilmaamaa inuu haysto dhaqaale Xoogan.
Sida Puntlandi xogta ku hayo Cabdinaasir wuxuu u muuqdaa inuu noqon doono Ninka uu Madaxweyne Farmaajo uu farta ku Fiiqi doono inuu noqdo Raysal wasaaraha Xukuumadiisa.
Puntlandi.com
Muqdisho