HAMBALYO
Waxaan si kal iyo laab ah ugu hambalyaynayaa madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmajo oo labada aqal ee baarlamaanku doorteen sideedii bishaan.
Doorashada madaxweynaha cusubi waxay ka turjumaysaa isbadal siyaasadeed oo dalku u baahnaa. Waa is badal ku yimid rabitaanka shacabka soomaaliyeed, baarlmaankuna fuliyey iyagoo ka wakiil ah shacabka, kana turjumaya rabitaankiisa.
Waxaan aad u rajaynayaa Raisal Wasaaraha la magaacidoono iyo dawladiisu inay noqdaan kuwo wax walba ka hormariya danta guud, wax wayna ka badala habdhaqankii dawladnimo ee ka horeeyey.
Mohamud Suleiman (Awil) Wasiirkii hore maaliyada iyo qorshaynta ee dawlada federaalka