Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Daawo VIDEO Shirweynihii Qurba Joogta Puntland ee Yurub oo Jaaliyada Denmark marti galisay

$
0
0

20161130_001207
Caasimada labaad ee Denmark waxaa weekend-kii {27 iyo 28 Nov.2016) ka dhacay shirweyne aad loosoo agaasimay oo ay isugu yimaadeen Ergooyin ka kala socda Inta badan Wadamada Qaarada Yurub.

Ergada kulanka isugu timid ayaa ahaa Masuuliyiinta Jaaliyadaha Puntland ee Yurub, Kulankasoo u jeedkiisu ahaa isbarasho iyo in Jaaliyadaha la mideeyo iyo sidii Wadamada kale ee Yurub looga heli lahaa Jaaliyado mideysan.

Kulanka waxaa marti galiyey Jaaliyada Puntland ee Denmark.
Kulanka maalintiisii kowaad wuxuu ahaa mid albaabadu u xiran yahay oo dhex maray oo qura Masuuliyiinta Jaaliyadaha Yurub,Waxayna Sameysteen Dalad mideysan iyagoo isla maalintaas sameeyey Golaha Marjaca Qurba joogta Puntland ee Yurub, Goluhu wuxuu ka kooban yahay min sadex xubnood wadan walba, Goluhu wuxuu iska dhex doortey Gudoomiye Golaha marjaca iyo ku xigeenkiisa.

Maalintii labaad oo Axada ahayd waxaa Albaabada loo furay oo shirka kasoo Qayb galay Shacabka.

Golaha Marjaca ayaa maalintaas waxay doorteen Gudoomiyaha Qurba joogta Puntland.

Hoos ka daawo maalintii labaad ee kulanka lasoo xiray


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles