Ciidamada Puntland ayaa gabi ahaan la wareegay duleedyada lagasoo galo Magaalada Gaalkacyo, Koonfur bari ilaa Koonfur Galbeed inta u dhaxaysa tasoo macneheedu yahay in Ciidanka Puntland ay la wareegeen kantaroolida wado walba oo Gaalkacyo soo gasha.
Xaafada Baraxley gudeheeda hal Ciidana ma joogo aan shacab ka ahayn laakiin banaankeeda Koonfureed waxaa ku sugan Ciidanka Punyland oo saaka xoog ugala wareegay Maleeshoyaadka Xaafadaas.
Wararka Puntlandi helayaan waxay sheegayaan in Ciidanka Puntland ay saaka qaadeen howlgal xoogan kadib markii ilaa Shalay galab ilaa saaka waabarigii ay Ciidanka iyo Maleeshiyaadka Koonfurta Mudug ay weeraro goos goos ah kusoo qaadayeen Ciidanka ayna dhowr jeer Madaafiic kusoo tuureen magaalada.
Sargaal la hadley Puntlandi wuxuu sheegay in Ciidanka Puntland khasaaraha soo gaaray maanta uu ka badan yahay khasaaraha dagaaladii hore ee totobaadyadii lasoo dhaafay.
Dhinaca Galmudug khasaaraha way ka gaabsadeen ciidanka Puntland iney shaaciyaan, aan ka ahayn 4 baabuur oo mid SUU ah iyo Jiib ay ku jiraan oo ay ka qabteen, 6 gaari oo ay gubeen.
Sida Puntlandi warka ku hayo Goor dhaweyd waxaa afafka hore ee Xaafada Baraxley la geeyey Ciidan dheeraada ,sababta loo geeyey lama oga maadaama ay Ciidanka Puntland hada gaareen wadada Hobyo ka timaada.
Wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com
Puntlandi.com
Gaalkacyo