Cabdulqaadir Xaaji Luga dheere Madaxweyne Xigeenka Dowlada Jubbaland hadana ah kusimaha Madaxweynaha ayaa shalay oo Axad ahayd wuxuu booqasho u kuur galid iyo dhiirigalin ah uu ku tagay Dugsiga Tababarka Ciidanka Jubbaland.
Madaxweyne Xigeenka ayaa khudbad dhiiri galin ah wuxuu u jeedoyey Ciidanka ku jira Kuliyada isagoo kula dardaarmey iney u istaagaan oo aysan ka gaban difaaca shacabkooda.
Mudane Luga dheere wuxuu kaloo ciidanka ka u sheegay in Xukuumada Jubbaland ajandohooda kowaad uu yahay Tayeynta iyo Daryeelka Ciidanka.
Hoos ka daawo Video iyo Sawirada

