Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

UNSOM oo Xafiis ka furtey Magaalada Kismaayo

$
0
0


Horey ayaa Nicholas Kay oo ah Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u wakiishay Arimaha Soomaaliya isla markaasna ah madaxa Xafiiska UNSOM uu u sheegey in ay Xafiis Qaramada Midoobay ka furaneyso Kismaayo, hadaba waxaa laga dhabeeyey balanqaadkaas, shalay ayaa albaabada loo furey xafiiska wuxuuna si kumeelgaar ah uga furaan doonaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Mr. Abdiaziz Mohammud Fara-badane oo Xafiika UNSOM ka tirsan ayaa shalay booqdeyna Kismaayo si uu u furo xafiiska wuxuuna la kulmey kusimaha Madaxweynaha Jubaland Macalim Mohamed Ibrahim Mohamud iyo Abdiqani Jaamac oo ah lataliye Arimaha Siyaasada ee Dowlada Jubaland, wuxuu kaloo la kulmey Madaxa Amisom ee Jubaland Brig Anthony Ngera.
Maamulka Jubaland aad ayay usoo dhaweyeen Xafiiska UNSOM ee Kismaayo, horey Xafiiskaan oo kale waxaa looga furey Garowe iyo Muqdisho, Xafiiska Kismaayana waa kii Sadexaad.

Furitaanka Xafiiskaan ayaa yimid ka dib markii Dowlada federaalku ay jubaland u aqoonsatey maamul buuxiyey sharuudihii looga baahnaa.

Puntlandi.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles