Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa wareegto kusoo saarey meel marinta Hanaankii Doorashada.
Wareegtada ayaa Madaxweynuhu ku sheegay in Hanaankii Doorashada la meelmariyey lagana kaaftoomey Codka Baarlamaanka.
Wareegtada waxaa kaloo ku qoraan doonta iney dhaqan gali doonto maanta oo axada 22 Maajo 2016.
Sida ay Puntlandi xogta ku heleen Madaxweynaha ayaa ku guul daraystay inuu Puntland ka dhaadhiciyo in wax laga badalo Aqalka Sare, taas kasokow Dhinaca Itoobiya ayaa Cadaadis xoogan uga yimid Madaxweynaha waxaana si cad amar loogu siiyey Madsxweynaha inuu 24 saac gudohood go’aan uu ka gaaro merl marinta Hanaanka Doorashada.
Raysal wasaare Sharmaake ayaa isna Xalay wuxuu ku adkeystay inuusan aqbalayn in dib loogu noqdo heshiisyadii horey loo wada galay.
Dhinaca kale Madaxweynaha waxaa lagu wargaliyey inuu ka dego Gorowe si loosii anbo qaado qodobadii ku qoraa hanaanka Doorashada oo dhigayay in Garowe ay ka furmaan Shirkii Dib u eegista Dastuurka ee lagu wadey inuu mar hore furmo.
Wixuuna Madaxweynuhu Garowe u duuli doonaa 27 bishaan Maajo.
Puntlandi.com
Muqdisho